WorldRemitAds

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin oo had iyo jeer lagu arko fagaarayaasha saamaynta leh ee dunida gaar ahaan kuwa arimaha bulshada, sida ciyaaraha, waxyaabaha dhaqanka iyo tijaabooyinka qalabyada kala duwan ayaa dhawaan ka qayb galay ama tijaabo ku sameeyay gawaadhida lagu baratamo ee lagaga qayb galo baratanka loogu yeedho (Formula One).

Madaxweyne Putin ayaa si tijaabo ah ah markii hore ugu sameeyay gaadhi noociisu aad u dheereeyo oo sida la sheegay saacadii jaraya xawaare lagu qiyaasay 240-km. Raysal wasaare Putin ayaa ka mid noqday tartan dhawr gaadhi ku baratamayeen mid ka mid ah jidadka ay baabuurtaasi ku baratamaan ee magaalada Moscow.

Madaxweynaha Ruushka oo wata gaadhi Midabkiisu cadaan yahay,  ayaa ka hor intaanu gelin baratanka ee oo gaadhi kale uu kaga qayb galay warbaahinta kala hadlay shacbiga Ruushka, waxaanu sheegay in wax kasta looga baahan yahay muwaadinka Ruushka ah, sidaa daraadeed tartan, ciyaar iyo wax kasta oo uu sameeyana ay guusheeda leeyihiin dadka dalkiisu, wuxuu u rajeeyay guul iyo horumar, isagoo dhiniciisana rajeeyay guul iyo kalsooni in uu ku dhamaysto baratankan.

SomlegalAds

Waxa la fuushiiyay gaadhigii uu tartankan kaga qayb galayay oo ay markii hore adkaatay sidii uu u dhex fadhiisan lahaa kursigiisa sida beebeega dusha lagaga soo dhaco, hasa yeeshee markii loo dhameeyay tilmaamihii wuu dhaqaajiyay isaga iyo laba baabuur oo kale ayaana ka qayb galay, iyadoo guul iyo nabad qab ku dhamaaday, in kasta oo aan la sheegin kaalinta uu Madaxweyne Putin ka galay tartanka.

Vladimir Putin ayaa hore uga qayb galay tartan baabuurta ah markii uu ahaa raysal wasaaraha dalka Ruushka sanadkii 2010-kii, mana ahaa tartankii iyo ciyaartii ugu horeeyay ee uu ka qayb galo waxa uu marar kala duwan ka qayb galay tartano kala duwan sida tartanka Legdinta culus, fardo fuulka iyo Tuuryada ama ridaynta warmaha iyo waliba tartanka dhoogta (Shiishka).

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.