WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, September 23, 2018,(Saxafi) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sanadkii labaad Baasaboorka uu sito aawadeed uga baaqday shirka Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa, isagoo dhalashadiisa ama baasaboorka uu sitaa yahay Maraykanka ah.

Wasiir arrimaha dibadda dalkaas Axmed Ciise Cawad ayaa u kicitimay NewYork, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya Fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

SomlegalAds

Mudane Cawad waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Sharciga dhalashada iyo jinsiyadda Maraykanka waxaa ku qoran in qofka heysta dhalasho Maraykanka ahi uu qaadan karro dhalashada dal kale, sida inuu dalkaasi ku dhasho, haween ka guursado ama asal ahaan ka soo jeedo.

Xeerka Maraykanka waxaa kale oo uu dhigayaa in muwaadinka Maraykanka ahi aanu dalka ku soo geli karin passport dal kale, oo waxaa uu sharciga u qoran yahay sidan “Dadka labada dhalasho heysta waa in ay helaan passport Maraykanka iyo passport dal kale, sidoo kale waxaa qasab ah in qofka dhalashada Maraykanka heytaa uu dalkaasi ku galo, kagana baxo isaga oo isticmaalaya passport Maraykanka halka dalka ajnabiga ahna uu ku galayo passport-kooda”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo markii uu jagada madaxweynnimada Soomaaliya qabanayey kama tanaasulin passpor-ka Maraykanka ah, sidaasi darteed weli waa muwaadin Maraykan ah, Protocol ahaan sida sharciga Maraykanka qabana dalkaas kuma geli karro, kagamana bixi karo passport aan Maraykanka aheyn, taasi oo ka dhigeysa haddii uu tago inuu galo isaga oo muwaadin Mareykan ah, kana khudbeeyo Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa isaga oo madaxweynaha Soomaaliya ah.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo heysata dhalashada Maraykanka ayaa sheegay in markii ay Maraykanka tagayaan ay ku tago, kagana soo baxdo baasaboorka passport Maraykanka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.