WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 18, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Madaxweyne ku Xigeenkiisa Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa booqashooyin kala danbeeyay ugu tagay shalay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi waraabe) oo xaalad caafimaad u jiifa gurigiisa.

War Saxaafadeed arrintaas socdaalka Madaxweynaha Madaxtooyadu ka soo saartay waxaa lagu yidhi. “Madaxweynuhu waxa uu si naxariis leh xaajiga u dul istaagay isagoo u duceeyey allena uga baryey inuu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado xanuunka.
Booqashada Cabdi WaraabeSidoo kale waxa uu madaxweynuhu Balan qaaday in aanu mood iyo nool midna ka hagranayn, hadana ay u diyaar tahay in dhakhtar dibadeed loo qaado ugu yaraana ay laba dal hada u soo jareen tigidhadooda, Ethipia iyo Dubai si xaajiga loogu dedaalo loogana war hayo xaaladiisa caafimaad.
 Xaajiga oo isna Madaxweynaha hadal dardaarana siiyey, waxa uu madaxweynaha kula dardaarmay inuu halkaa ka sii waddo hawlaha qaranka, isaga oo xaajigu yidhi: “Sida aad wax u wado waa si wacan ee sii kordhi oo ummadda dhexmar, oo ka war haynta badi, Madaxweyne waxaad tahay hoggaamiye si wacan u hagaaya ummadiise, Doorashaduna dalka si fiican ha uga qabsoonto, ALLE na waxan kaaga baryayaa inuu kugu garab galo.”
 Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo sheegay in madaxweynuhu diyaar ula yahay xaalad kasta xaajiga xaafimaadkiisa lagu maarayn karo gudo iyo dibedba. ”
Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka ayaa isna booqday Xaajiga. Waxaana war kooban oo arrintan laga soo saaray sidoo kale lagu yidhi. “Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa Booqasho ugu tegay Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe) intaan loo qaadin dalka dibaddiisa shalay galabnimadii.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xaajiga ALLE uga baryey inuu caafimaadkiisi u soo celiyo xanuunka hayana ka dulqaado, insha allaa isaga oo caafimaad qabana uu dalka ku soo celiyo.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.