WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 14, 2017 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magacaabay xubnaha golahiisii ugu horeeyay ee wasiirrada, kaas oo noqonaya golihii ugu horeeyay ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo shalay uun markii u horeysay loo dhaariyay Madaxweynaha Somaliland, kadib markii uu ku guulaystay xisbigiisa KULMIYE aqlabiyadda codadkii doorashadii Madaxtooyadda ee 13-kii November dalka ka qabsoontay.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku dhawaaqay gole wasiirro ah oo ka kooban 23-wasiir iyo 9-wasiir ku-xigeen, kuwaas oo hareeraha qaban doona hawsha qaranka.
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa golihiisa wasiirrada cusub u nashqadeeyey qaab ka duwan midkii xukuumadihii dalka hore u soo maray, waxana meesha laga saaray wasaarado hore u jiri jirey, halka hal goob lagu mideeyey wasiirro hore dhawr wasaaradood kala ahaan jirey.

SomlegalAds

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi waxaa goihiisa cusub ee Wasiiradda ka mid ah xubno dhawr ah oo ka mid ahaa golihii xukuumadii ka horeysay ee Axmed Siillaanyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire, Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Shukri Xaaji Ismaaciil Maxamuud Baandare, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Muuse Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Muuse Abees (Hore wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda), Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Yuusuf Mire Maxamed (Boos) (Hore Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex).
Halkan ka akhriso magacyada golaha xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi:




 
 
 
 
 
 
 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.