WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 13, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo ayaa xalay magacaabay laba safiir oo bedeli doonno laba safiir oo wasiiro u dallacay.

Labadda xil ee la magacaabay ayaa waxa hore u hayey Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo hore u ahaa safiirka Somaliland u fadhi jiray Kenya iyo safiirka wareegga oo isna aga dhigay wasiir ku xigeenka  Ganacsiga Kayse Maxamed Cabdilaahi.
Wareegto Madaxweyne SiilaanyoWarsaxafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3714/122015 ku magacaabay Danjireyaal cusub.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay:              Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:       Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dallalka dibeddu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:           In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya iyo wakiilka wareega ee Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu La-tashaday:        Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah.
Markuu ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
  1. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.
  2. In Mudane, Raabi Cabdi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.