WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 22, 2012 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa degreeto ku dhaqangaliyey laba xeer oo hore u soo ansixiyeen golaha Wakiilada iyo Guurtidda, kuwaas oo usoo gudbiyey madaxweynaha.

Labadan Xeer ayaa kala ahaa xeerka La Dagaalanka Budhcad badeedda iyo Xeerka kala wareejinta Maxaabiista ayaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda, oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweyne Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta (Shalay) Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-988/032012, ku Dhaqan-geliyey Xeerka La-Dagaalanka Budhcad – badeedda (Piracy Law) Xeer Lr. 52/2012.

 Madaxweynuhu :-

SomlegalAds

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Helay:    Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, ee ku suntan GW/G/KF-17/555/2012 ee 21/03/2011 ee Go’aanka Ansixinta Xeerka La-dagaalanka Budhcad Badeedda (Piracy Law) Xeer Lr. 52/2012;

Markuu Arkay:    Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeer Lr. 52/2012 ee Xeerka La-dagaalanka Budhcad Badeedda (Piracy Law).

Dhinaca kale

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-989/032012 ku Dhaqan-geliyey Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012.

 Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Helay:    Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, ee ku suntan GW/G/KF-17/556/2012 ee 21/03/2011 ee Go’aanka Ansixinta Xeerka Wareejinta Maxaabiista Xeer Lr. 53/2012;

Markuu Arkay:    Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeer Lr. 53/2012, ee Xeerka Wareejinta Maxaabiista”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.