WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 27, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay si rasmi ah u daah-furay nidaamka casriyeyta Caasimada Hargeysa oo sahlaya hawlaha ay dawladda Hoose ee Hargeysi bulshada u qabato, isla-markaana lagu horumarinayo caasimadda Dalka.

Munaasibadan balaadhan oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee Hargeysa waxa ka soo qaybgallay Madaxweynaha, Gudoomiyaha Maxkamadda sare, Maayarka Caasimadda, xildhibaanada golaha deegaanka, Badhasaabka gobolka Maroodi jeex, Badhasaabka gobolka Gabiley, maayar ku xigeenka Burco, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha,  wasiirka hawlaha guud iyo madaxda shirkadda hirgalinaysa nidaamiyaya GIS.

SomlegalAds

Ugu horeyn, waxaa halkaasi warbixino ka soo jeediyey madaxda shirkaddan hirgalin doonta dhismaha dawlada hoose oo dib loo casriyeynayo iyo hirgalinta nidaamkan lagu casriyeynayo adeegyadda dawladda hoose, taas oo dadkii madasha joogay si weyn usoo jiitay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyey tallaabada ay dawladda Hoose ku tallaabsatay ee lagu hormarinayo caasimadda Hargeysa iyo gaar ahaanba adeegga ay Dawladda Hoose bulshada u qabato,waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Marka koowaad aad baan idiinku hambalyeynayaa inaad daah-furaysaan casriyeynta hawlaha iyo xafiisyada dawladda Hoose ee Hargeysa, Barnaamij aad u qurux badanna waad keenteen, laakiin fulintooda waa inaynu u wada guntanaa, anna waan idinku garab taaganahay. Iyada oo hawlo badan aad qabateen anna aan idinku hambalyeynayo oo ay dhib badani idin haysato, haddana hawlo badan oo kale ayaa inoo yaalla, markaan soo koobana saddex wax oo markii aad doorashada gelayseen aad ballan qaadeen oo xisbiyaduna idinla ballan qaadeen, anna aan dhawr jeer meelo ka sheegay in magaalada loo samayn doono garoomo fiic fiican oo dhallinyaradu ku ciyaarto. Garoomadaas waa la idinka rabaa, shan sanona way maraysaa, dadkuna wixii ay ku ballan qaadaan ee ay axdi ku galaan waa inay fuliyaan.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana xubnaha xildhibaannada Dawladda Hoose xasuusinaya waxyaabaha ay bulshadu weli ka sugayso hirgelintooda, waxa uu yidhi, “Waxa kale oo aynu ballan qaadnay inaynu magaalada u samayno meelo dhir leh oo dadku ku nafisaan oo la lug-lugeeyo, imika shan sano ayeynu maraynaa, beertii xorriyadda ayuun bay sheekh Dirir iyo Odayaashii marayaan, meel kalena weli noomaydaan samayn, magaaladana taas weynu ballan qaadnay, doorashona mar ay timaaddaba way imanaysaa. Midda saddexaad magaalada gaadiidkii wuu ku batay, in baabuurta magaalada dhex maraya la kala habeeyaa waa muhiim, imikana waxad mooddaa suuqii dhexe inay qabsadeen intii Baabuurta wadatay, oo qof jilicsan iska daayoo xataa qofkii xoogga ahaa si uu u maraa ay adag tahay, waxaynu isku ogayn in baabuurta hab loo sameeyo oo Basku meel istaago, kuwa yar yari meel maraan, kuwa xamuulka ahina meel maraan, waxaas oo dhammina waa xil dawadda hoose saaran.”

Ugu

dambayntii waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi xildhibaannada Dawladda Hoose ka dalbaday inay yeeshaan wada-shaqayn dhexdooda ah, isaga oo dhinaciisa ballan qaaday inuu si dhaw ula shaqayn doono, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay hirgeliyaan mashruuca ay soo bandhigeen, “Waxanu idinka rajaynaynaa wada-shaqayn dhexdiin ah, adeeg aad u qabataan bulshadii idin soo dooratay illayn dadkii mar labada waa la hor tegayaaye, annagana waxad naga fishaan inaanu iskiin garab taagno oo aanu gacan wanaagsan idin kula shaqayno, ballanteenuna waa qorshahaas oo aynu fulinno,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa madaxweynaha uga mahadliyey inuu u daahfuro mashruucan lagu casriyeynayo caasimadda taas oo fududeyn doonta shaqadda iyo adeegyada dawladda hoose fuliso.

Maayarka oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Gudoomiyeyaashii iyo agaasimeyaashii dawlada hoose waana mishiinadii ay ku shaqaynaysay dawladda hoose, waxa halkan noo fadhiya qoladii wershada wadooyinka iyo shaqaalihii dawlada hoose,  dawlada hoose waa halka ugu horeysa ee shacabka iyo dawladdu iska soo gaadhaan, oo aroortii marka ay soo toosaan waa meesha ugu horeysay ee dawladda ugu baahan yihiin waxaana u horeysa laamida ay  soo fuulayaan, hadii ay sariibad tagayaan, haday noqoto adeegyada aasaasiga ah ee dadku u baahan yihiin, dawladda hoose waa cidda u xil saaran, dawladda hoose waxay ku hawlan tahay mashaariicda  horumarinta sida Wadooyinka iyo dhismayaal ka mid noqon doona boqolka iyo labaatanka cisho ee ugu horeeya waxqabadkaaga, mashruucan aynu hadda daahfurayna golaha deegaanka waxaanu u saarnay shan xildhibaan inay hawshaasi la socdaan si ay cadaaan u noqoto gole deegan ahaan iyo shaqadda lafteedda, dawladda dhexena ay dusha kala socoto, mashruucani wuxuu noqon doona mid guulaysta oo anfaca caasimadda iyo dalkaba oo magaalooyinka kale nagaga dayan doonaan,”

Maayar ku xigeenka caasimadda Cabdicasiis Maxamed xaashi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Madaxweyne waxqabadkan aad maanta noo samanaysa waxa uu ka mid yahay wax qabad taariikhi ah oo mudadii aanu joognay aanu qabanay, waxaaanu samaynay wadooyin badan, iyo warshaddii samaynaysay, waxanay noqotay wax aad loogu farxo, anigu waxaan ku jira shakhsiyaadka dibada u baxay ee sida uu caalamka iyo maayarada joogaba u shaqeeyaan soo arkay, waxa  uu mashruucani noqon doona taariikh anaga iyo dawlada dhexeba ka hadha, wax aan hore u dhicin, waxanu ku rajo weynahay in aanu garab weyn ka heli doonno, waxyaalo badan oo kale waanu qaban doonnaa.”

Nidaamkan cusub ee lagu casriyeynayo adeegyadda dawladda hoose ayaa noqonaya magaaladii ugu horeysay ee laga hirgaliyo magaaladda Hargeysa, waxaanay ka mid noqonaysa waxqabadka boqolka iyo labaatanka cisho ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.