WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 19, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa kulan la qaatay wefti ka socda dalka Uganda, kuwaas oo ka kooban xildhibaanno Baarlamaan iyo xubno dawladda ka tirsan.

Warsaxaafadeed arrintan Madaxtooyadu ka soo saartay waxaa ay intaas ku dartay oo lagu yidhi sidan; “Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha wefdiga xildhibaannada ah ee ka socday dalka Uganda, ayaa waxa ku wehelinayey Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ku saabsan horumarinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Uganda iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

SomlegalAds

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi soo dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa ugu horrayn sharraxay kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo weftiga, waxana uu yidhi, “Waxa halkan inoogu yimi oo soo booqday madaxweynaha wefti ka kooban xubnaha Baarlamaanka iyo dawladda Uganda oo soo sharfay madaxweynaha, Uganda waa dal uu inaga dhexeeyo cilaaqaad taariikhi ahi oo dad iyo dhaqanba inaga dhexeeyo, madaxweynuhuna aad iyo aad buu u soo dhaweeyey, waxana ay inala joogi doonaan dhawrka cisho ee soo socda, waxana uu kulankani inoo noqon doonaa bilowga cilaaqaad cusub oo dhinac walba ah.”

Isaga hadalkiisa sii waxa uu wasiirku intaas ku daray, “Waxa ay madaxweynaha iyo wefdigu ka hadleen cilaaqaadka ina dhexmari kara, iyaguna waa wefdi xog-doon ah oo inay xog-ogaal inoo noqdaan bay inoogu yimaadeen,” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.