WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 13, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay isla markaana warbixin kaga dhegaystay masuuliyiinta sar-sare ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta oo uu Hoggaaminayay Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse.

Musuuliyiinta wasaaradda warfaafinta ee la kulamay madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa kale oo ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Marwo Shugri Xariir, Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), Maareeyaha Telefiishanka Qaranka, Agaasimaha waaxda Farsamada ee Wasaradda Warfaafinta, waxaana intii uu kulankaasi socday ay madaxweynaha halkaasi ku siiyeen warbixin dheer oo ku saabsan kaalinta muga leh ay wasaaraddu kaga jirto horumarka dalka ka socda.
Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Masuuliyiinta Wasaaradda WarfaafintaMasuuliyiinta wasaaraddaasi waxay madaxweynaha uga warameen waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay xilka hayeen, arrimaha u qorshaysan mustaqbalka dhow iyo caqabadaha hortaagan ee u baahan in wax laga qabto.
Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo madaxdii kale ee kulankaasi ku wehelinayay waxa ay soo bandhigeen laba buug oo waaweyn oo ku kala saabsanaa qorshe hawleed shan sannadoodle ah (Strategy Plan) iyo buug kale oo la xidhiidhay qiimayn lagu sameeyay waaxaha kala duwan, baahiyahooda iyo awooodahooda shaqo oo si mucayin ah loo dejiyay.
Masuuliyiinta wasaaradda Warfaafintu waxay madaxweynaha hortiisa ka caddeeyeen sida ay wasaaradda warfaafintu ay isugu xidhay shacabka Somaliland ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa, iyo weliba sida ay mar kasta ugu baahiso marxaladaha dalku marayo iyo horumarka ka socda.
Afhayeenka madaxtoooyada Somaliland Mudane Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) ayaa kulankaasi kadib saxaafadda uga warramay waxyaabihii lagaga wada hadlay, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, waa in uu la xisaabtamaa cid kasta oo uu xil u magacaabay iyo hay’ad kasta, wixii qabsoomay iyo wixii qabyo ah. Wasaaradda warfaafintu waxa ay soo bandhigeen waxqabadkoodii sannadkan dhammaaday. ”
 “Wasaaradda warfaafintu waxa ay soo bandhigeen laba buug oo aad u bilicsan oo kala ah warbixinta guddida dib u eegista iyo tayaynta maamulka iyo qaab dhismeedka wasaaradda iyo mid kale oo ah qorshe hawleed shan sannadoodle ah waxaana si qoto dheer u faahfaahiyay Wasiirka, Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud, ”ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyaddu, waxaanu intaas ladhay “Wasaaradda warfaafintu waxa ay hoosta ka xariiqeen in dalku uu leeyahay laba ciidan oo kala ah ciidamada qaranka ee ku gaashaaman dabaabadaha iyo kaarayaasha iyo ciidamada ku gaashaaman wararka iyo difaaca qarannimada Somaliland, waxaanay caddeeyeen oo ay soo bandhigeen fulinta iyo dhammaystirka shaqada ay qaranka ugu igman yihiin. ”
Afhayeen Xuseen Deyr waxa kale oo uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu dardaaran u jeediyay madaxda kala duwan ee wasaaradda warfaafinta, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland waxa uu la dardaarmay madaxda wasaaradda, waxaanu ku yidhi wixii aad qabateen waan idiinka hambalyaynayaa, wixii idinka dhimanna ee qorshaha idiinku jirana in ay uga wada tashadaan si masuuliyad iyo xilkasnimo leh. ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.