WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, May 29, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shalay xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda  hay’adda ingiriiska u qaabilsan deeqaha dibada ee DFID oo uu hoggaaminayey madaxa hay’addaasi Mr. Phil Evans.

Kulankan  dhexmaray madaxweynaha iyo madaxda ha’yada waxaa laga wada xaajoodey gurmadka iyo gargaarka duufanadii ku dhuftey xeebaha Somaliland, arrimaha doorashooyinka, wakiilada iyo deegaamada, kobcinta waxsoosarka, kor u qaadista dakhliga dalka, taageerada dhamaystirka xeerarka, iyo horumarinta shaqo abuurka dhalinyarada.

SomlegalAds

Waxaana si qoto dheer labada dhinac u lafo gureen sidii loo sii horumarin lahaa  xidhiidhka wada shaqeyneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Hay’adda DFID islamarkaana kaalmooyinka ay siiyaan dalalka geeska afrika, Somaliland saamigeeda si toosa uga hesho kaalmadaa.

 Dhinaca weftiga hay’adda DFID ee dalka Ingiriiska u qaabilsan horumarinta calamiga ah oo uu u hadlayey madaxa hay’adda Phil Evans ayaa sheegay inay dhinacooda diyaar ula yihiin Somaliland inay ka taageeraan arrimaha ay ka mid ka yihiin gurmadka dadkii duufaantu ku dhufatay ee xeebaha Somaliland,  iyo qodobada kale ee laga wada hadlay, siina xoojinayaan taageerada ay Somaliland ka siin jireen arrimaha doorashooyinka ayna ka go’an tahay inay gacan ka geystaan   doorashooyinka 2019 dalka ka dhici doona.

Kulankaas oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Syalici), wasiiradda wasaaraddaha Arrimaha dibeda iyo Macdanta iyo tamarta, Mudane Sacad Cali Shire iyo Mudane Jaamac Maxauud Cigaal.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.