WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 26, 2018, (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriimo kalla duwan xalay u diray Maamulka Soomaaliya, Ciidamada Qaranka Iyo Shacbiga Somaliland.


“Waxaan hubaa in ay ka soo baxayaan shirkaasi waxay Somaliland ku faraxdo…Shirka labaad waa Ceel Afweyn…”


SomlegalAds

Madaxweynaha Somaliland shalay iyo xalayba saqdii dhexe khudbado uu jeediyay waxaa uu kaga hadlay waraaq Soomaaliya u qortay beesha caalamka oo ay ka dalbanayso in dhaqaalihii gaarka loo siin jirey laga joojiyo Somaliland.


“Saddaqo Wax Lagu Faano Maaha’e Waa Ceeb, Haddana Tii Baa La Isugu Yimid Oo Waxay Yidhaahdeen Somaliland Waxba Yaan La Siin” Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi


Madaxweyne Muuse waxaa uu shalay marka hore waraaqdaas ku soo qaaday kormeer kedis ah oo uu ku tagay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, waxaanu ku guubaabiyey in dhaqaalaha kor loo qaado. “Dhibaatada jirta waxa inoo dheer dagaalka Soomaaliya inoo dhexeeya oo muddadii 27-sano ahayd ee aynu qaranka goonnida isu taagay ahayn dagaalka ay inala galeen baa ka weyn 30-kii sano ee hore dagaalkii naf iyo maalba lahaa ee ay inala galeen, iyada oo marka horeba aanay sadaqo wax lagu faano ahayn oo ay ceeb iyo yax-yax tahay inaynu baryo ku hadalnaa, ayaa haddana tii (Deeqdii) lafteedii la isugu yimi oo waxa ay yidhaahdeen waxaan yar ee Somaliland aad siinaysaan yaan la siinnin, qolada wax bixinaysaana waxa ay yidhaahdeen ma ahee sidoodii aanu ku wadno, saakana Afartii gobol qoraal bay wada saxeexeen ah Somaliland yaan waxba la siinin, waxaas oo dagaal ahna waxa aynu kaga baxaynaa innaga oo Ilaahay maskaxda uu ina siiyey iyo awooddeena ka faa’iidaysanna.” ayuu yidhi Biixii oo ka hadlayey qoraalo Soomaaliya u qortay beesha caalamka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ee Hargeysa, halkaas oo ay ku qaabileen Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Saraakiisha kale ee wasaaraddaas.
Yuusuf Maxamed Cabdi, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda (Midig) iyo Wasiir Ku-Xigeenka Horumarinta Maaliyadda Maxamed Daahir Axmed (Dhexda) oo Xarunta Wasaaraddaas ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi (Bidix)
Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo uu xarunta wasaaraddaas ku booqday

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey shaqadda laga rabo wasaarada Maaliyadda waxa uu yidhi “Maaliyadda waxa laga doonayaa oo umaddu idinka doonaysaa inaad hal koox (One team) noqotaan oo ay fikrad ballaadhan abuurto oo isu tagto, waanan idiinkaga mahad naqayaa horumarka aad samayseen, innagana laba hal baa la inaga rabaa inaynu saxno, inaynu kii lacagta hayey ku dhiirrano wixii sharcigu ku waajibiyey iyo inaynu waxa aynu kaas lacagta haya ka soo qaadnay aynu caddayno inaynu gaadhsiinnay kii faqiirka ahaa oo aan la ina odhan dhexdaad ku lunsanaysaa,”

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay Munaasibad lagu xusay 58 guuradda Maalintii ay Somaliland Xornimadda ka qaadatay Boqortooyadda Ingiriiska June 26, 1960, taas oo ka dhacay Qasarka Madaxtooyadda Somaliland Habeenkii 26-ka June 2018

Dhinaca kale khudbad uu xalay ka jeediyay munaasibad madaxtooyadda ka dhacday oo lagu xusay Xoriyaddii Somaliland 26-kii June ka qaadatay Ingiriiska, waxaa uu salaan ka dib boggaadiyay oo khudbadiisa ku furay kuna soo xidhay Ciidamada kala duwan, gaar ahaan kuwa difaaca dalka heeganka ugu jira. Sidoo kale, waxaa uu Xussay Taariikhdii Somaliland iyo golihii Baarlamaanka ee waqtigaas doodii uu yeeshay. Iyo marxaladdii xiligaas lagu jiray. ”Waa halka ay ku soo baxday Laa yaa Garaad” ayuu yidhi isaga oo ka hadlayay sidda loogu hanweynaa midnimo Soomaaliyeed ee shaqeyn weyday.

Waxaa kale oo uu ka hadlay dagaalka nidaamka beelaysan ay Somalia uga waddo Tukaraq. “Farmaajo iyo Cabdiweli waxay ku doodayaan ma ogolin xuduudaha Afriki ku dhisan tahay..Hadaanad ogolayn oo aad Xuduud Qabiil ku doodayso side ayaad u maamulaysaa Soomaali?” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxaana uu sheegay in Somaliland amaankeedda ka adag tahay iyo inay soo xidho xuduudaheedda. Balse ay dib ugu fadhiyaan oo u tudhayaan dadka shacabka ah.  “Waxaanu u sheegaynaa inaanu u tudhayno dadka jooga Laascaanood, dadka Jooga Garowe dadka joogga Qardho.” Ayuu yidhi waxaana uu tilmaamay in Somaliland fahansan tahay dagaalka macnihiisa.

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa kale oo uu ka hadlay shirka ka socda Buurta Gacan Libaax oo uu tilmaamay inuu ka qabo rajo wanaagsan. “Waxaan hubaa in ay ka soo baxayaan shirkaasi waxay Somaliland ku faraxdo…” Shirka labaad waa Ceel Afweyn dhawaan ayaanu u baxaynaa ..Insha Allahu inagaga oo gacmaha is haysana ayaynu ka soo baxaynaa..:” Ayuu raaciyay Madaxweynuhu

Waxaa kale oo uu sheegay Mudane Muuse Biixi inay Xukuumad ahaan u arkaan Xisbiyadda dad lexejeclo ka leh qaranka. “Xisbi waliba waxaa uu jecel yahay inuu dalku horumarro.” Ayuu yidhi waxaana uu tilmaamay in kala duwanaantu tahay sida loo wanaajinayo dalka.

Tan ka sokow waxaa uu soo qaaday balaadhinta dekeda Berbera iyo heshiiska DP World. “Ugu danbeyn waxaan rajaynaynaa in bisha December ay inoo bilaabmaan balaadhintii Dekeda iyo Dhismaha Jidka Isku xidha Berbera iyo Wajaale..”waxaana uu Sheegay Madaxweynuhu in sharaa’ig kala duwan iyo dadyow farabadani imman doonaan dalka, Islamarkaana la doonayo in bulshadu soo dhaweyso . “Waxaa kale oo ka bilaabmi doona Berbera suuqii Xorta ahaa.. waxaa la inaga doonayaa inaynu noqono dad Ilbax ah..” Ayuu yidhi

Ugu danbeyn waxaa uu canbaareeyay Madaxweynuhu weerar lagu qaaday Raysal-Wasaaraha Ethiopia Ebiy Ahmed iyo rasaas ay Laascaanood gudaheedda habeen aan fogeyn ka dhex rideen koox laga soo diray Garowe. “Argagixisadu waa isku mid eh, waxaa kale oo aan Canbaaraynaynaa ninka Garoowe ka soo diray Rasaasta ee dadka oo Hurda Laascaanood ka riday ee ku faanay waliba..”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.