WorldRemitAds

Muqdisho, Soomaaliya, November 4, 2014 (Saxafi)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa hadalo ka soo yeedhay Ergayga qaramadda midoobay ee Soomaaliya ugu jawaabay inay Soomaaliya madax banaantay, isla markaana aanay ogolayn in arrimaha gudaheedda ah la farogalin.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa qoraal uu kaga jawaabay hadalkii danjiraha QM ee Somalia Nicholas Kay wuxuu ku sheegay in xaq-dhowrka madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya tahay dal madax banaan, isla markaana aanay haboonayn in la farogaliyo, isla markaana khilaafaadka madaxda Soomaaliya ku kala baxayaan sharciga u yaal, isagoo beesha caalamka la garnaqsanaya si weyna uga soo horjeedda farogalintaasi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Anigoo ah madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Somaaliya waxaan qirayaa dhamaan inta waqtiga iyo iyo hanti gelisay inay Somalia ku caawinto inay gaadho guulaha muhiimka ah ee ku wajahan yoolka sare ee aan higsaneyno, inay sameeyeen ficil aad u wanaagsan.”

SomlegalAds

Sidoo kale, madaxweynahan ayaa intaas ku daray “Labadii sano ee aanu soo dhaafay, iyadoo ay gacan ka geysteen dadweynaha Soomaaliyeed, hay’adaha federaalka ah, baarlamaanka iyo beesha caalamku waxay Somalia ku tallaabsato isbeddel weyn. Waxaan guul weyn ka gaadhnay sii wadida is-beddelka annagoo culeyska saarnay saldhig u dhigidda iyo u gogol xaarka sidii dalka loo xasilin lahaa. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AMISOM waxay horseedeen in dowladdu gacanta ku dhigto 80% dhulkii Al-shabaab ay haysateen. Dowladda Federaalku waxay sameysay hannaan qaanuun, heykal dowladeed, unugtay nidaamka maamulka maaliyadda, xidhiidhka Somalia ee beesha caalamka, xoojinta xidhiidhka waddamada deriska ah, dib u habaynta hey’adaha muhiim ah, hir-gelinta golayaal dib u heshiineed oo lagu wadahadlo, iyadoo jidka u xaadhay isbeddel siyaasadeed waxayna diyaarisay Higsiga cusub iyadoo kaalmada caalamka lagu sidkay yoolkaeenna.Waxaa aaad noogu weyn filashada in horumarka la joogteeyo. Waxaa kaloo nagu weyn in Soomaaliya loo daayo inay horseed ka noqoto isbeddelkeeda. Markii Somalia aqbashay in ay qayb ka ahaato heshiiska hindisaha cusub, waxaan ku aqbalnay inuu ku saleysan yahay mabaaddii’da iskaashiga ee ku cad hindisaha Somalia, kaasoo ay markhaati ka ahaayeen; ayna ansixiyeen ka qeyb-galayaashii Soomaaliya iyo kuwii Caalamiga ahaa ee shirkii Brussels lagu qabtay bishii September 2013-kii. Mabaaddii’dan iskaashi waxay si cad u qeexayaan baahida iyo filashada in horumarku ahaado mid ay Somalia hagayso, ayna Soomaalidu leedahay – ha ahaato mid siyaasadeed, horumarineed, dhaqaale iyo bulsho,”

Madaxweyne Xasan wuxuu ku baaqayaa in mabaaddii’daas la xaq-dhowro, waxaanu yidhi “Waxaan ku baaqayaa in la dhowro xuquuqda Soomaaliya ee madaxbannaanida ee uu qeexayo dasttuurka federaalka ku meelgaadhka ah ee ku wajahan inay mustaqbalkeeda iyadu go’aan ka gaadho, mustaqbal ay go’aaminayaan dadka Soomaaliyeed, hay’adaha federaalka iyo shuruucdeenna.  Waxaan mar kale shacabkeenna u xaqiijinayaa in dowladda federaalka ah ay ka go’an tahay Higsiga 2016-ka, si loo xaqiijiyo in dastuurka dib loo eego, la turxaan bixiyo, aftina lagu ansixiyo, in federaalka dalka oo dhan lagu baahiyo iyo u diyaargarowga doorashada 2016-ka uu xowli ku socdo. Ma diidani in howl badan ay na sugeyso, wakhtiga lagu fulin lahaana uu yar yahay, balse wax qabasho la’aan dhinicii ay doonto ha ahaatee lama aqbali doono.  Anigoo fahmaya walaaca ay ka qaybto beesha caalamka xaaladda dalka, haddana sida ugu habboon ee loo taageeri karo hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo hay’adaheedu waa in la xaqdhowro, loona oggolaado in ay afkaartooda kala duwan ay ku xalliyaan si sharci ah ayada oo loo marayo hey’adaha jira oo iyagu hadda ah hey’ado soo bislaanaya.”

Hadalkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii ergayga qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicklos Kay  uu Madaxda Soomaaliya usoo jeediyey inay khilaafka soo joojiyaan, isla markaana dhexdoodda xaliyaan khilaafkaasi, taas oo ka cadhaysiisay madaxweynaha Soomaaliya, waana madaxweynihii u horeeyey oo jawaab siiya beesha caalamka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.