WorldRemitAds

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa booqday biriishkii boqolaad ee uu ka hirgeliyay dalkiisaintii uu xukunka hayay, waxaanu gaadhigiisa gaarka ah oo raysal wasaarihiisa Bin Ali Yeldirim la fuushan yahay ku tagay, biriishkan oo laga hoos qoday wabiga Bosfor loo yaqaan ee qaarada Eeshiya iyo Yurub kala qaybiya.

 

SomlegalAds
Bogga lixaad ee Wargeyska Saxafi, cadadkii 1643 ee soo baxay Salaasa, October 11, 2016

Biriishkan oo ah kuwa sida dhuunta oo kale biyaha hoostooda loo dhigo, waa kii boqolaad ee laga hirgeliyo dalka Turkiga, waxaana sida lagu wado la furi doona bisha soo socota ee November 2016-ka, in kasta oo uu gabo gabo ahaa marka madaxweyne Erdogan booqday, haddana waxa u hadhsanaa qurxinta iyo waxyaabo xaal xaal ah.

 

Biriishkan ayaa sidoo kale noqonaya kii sadexaad ee tan iyo wixii ka danbeeyay inqilaabkii dhicisoobay ee dalka Turkiga ka dhacay uu hirgeliyo maamulka Madaxweyne Erdogan hormoodka ka yahay.

Labada daamood ee magaalada Istanbul ayuu u kala talaabay Madaxweyne Erdogan iyo xubno badan oo dawladiisa ka tirsan, biriishkan dhulka hoostiisa mara oo ah mid waddooyin tiro badani soo galaan ayaa noqonaya kii ugu casrisanaa ee laga fuliyo dalka Turkiga.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.