WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, August 06, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xaaladda ka taagan dalka aynu deriska nahay ee Ethiopia, waxaanu Madaxweyne Biixi soo dhaweeyey afkaarta uu hormoodka ka yahay Raysal wasaaraha cusub ee dhawaan dalkaas loo doortay, mudane Abiy Ahmed.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyey Jaamacadda Cammuud, ayaa ka hadlay isbeddelada cusub ee kasoo cusboonaaday Geeska Afrika, waxana uu soo dhaweeyey qorshayaasha ra’isal wasaaraha cusub ee Ethiopia la yimi iyo iskaashiga uu shaaciyey, waxana uu yidhi, “Gobolka Geeska Afrika intii la doortay ra’isal wasaaraha cusub ee Ethiopia waxa uu keenay fikrado aad u wanaagsan oo ah halla wada nabdo, halla is-kaashado, halla walaaloobo, geeska Afrikana haka baxo dhibaatada, Somaliland horeba taas way ula taagnayd, imikana waanu ku hambalyeynaynaa, laakiin fikir kasta oo wanaagsan waxa ka hor yimaadda carqado, Ilaahayna waxa aanu ka rajaynaynaa carqaladaha ka horyimaadda iyo kuwa jiraba inay ku dhammaadaan si nabadgelyo ah oo xagga wanaagsan loo wada dhaqaaqo.”

SomlegalAds

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu caddeeyey in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay sidii ay  nabadgelyo waarta iyo walaaltinimo loo siman yahay ugula noolaan lahayd deriskeeda Ethiopia, isaga rajeeyey dhibaato kasta oo Ethiopia gudaheeda ka timaadda ay nabad ku dhammaystaan,   “Dawladda Itoobiya waa dal aynu jaar nahay, jaarkaagana Ilaahay ba kuu dooray oo ma dooran kartid, waxana aynu  mar walba u taagannahay inaynu nabadgelyo iyo walaaltinimo loo siman yahay oo midna aanu mid dulmiyin aynu kula noolaanno, wixii dhibaatooyin hor taagan gudahoodana waxaynu u rajaynaynaa inay nabad ugu dhammaato, geeska Arfikana wixii carqalado ka yimaadda in nabad lagu xalliyo oo xagga wanaagsan ee is-kaashiga ah aynu u dhaqaaqno” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Guud  ahaanba shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Awdal, ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  baaq u diray, waxana uu ku boorriyey inay si gaar ah u ilaaliyaan ammaanka dadka kasoo jeeda dalka Ethiopia ee Somaliland ku dhaqan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dadka Somaliland oo dhan gees ilaa ka gees oo Ardayda halkan (Cammuud) fadhida iyo gobolka Awdalba, waxa dalka jooga dad badan oo Ethiopian ah afkii ay doonaanba haku hadlaane, waxa aan codsanayaa in dadkaasi ay ammaan ku joogaan dalka Somaliland oo aan loola dhaqmin si cadowtinimo ah oo haddii ay xaggaas (Ethiopia) wax ka dhacaan aan caaddifadi ina qaadin. Qofka dalkaaga kuu joogaana diin, dhaqan iyo dadnimoba waa magantaada, magantana xeer baa ka yaalla.”

Akhri: Qalallaase Hadheeyay Jigjiga Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.