WorldRemitAds

Madaxweynaha dalka Jarmalka Christian Wulff ayaa si toos ah telefoon ugu diray tifaftiraha wargeyska looga akhriska badan yahay dalkaas ee Bild, waxaanu ku amray inay joojiyaan daabacadaa maqaal loo soo diray oo uu madaxweynuhu sheegay inuu ka war helay in maqaalkaasi ku soo baxayo jariirada.

Tifaftiraha guud ee jariirada Bild oo ah wargeyska ugu iibka iyo akhriska badan dalka Jarmalka Mr. Kai Dieckmann ayaa qoraal kooban oo uu maalintii Isniintii ku soo baxay boga hore ee wargeyska kaga waramay, fariin cod ah oo uu Madaxweyne Wulff u dhaafay, taas oo uu ku amrayo in aan la daabicin maqaal uu ka cabsi qabo in si toos ah isaga loogu weeraro.

Madaxweynuhu waxa uu fariintiisa codka ah ku sheegay in uu sharciga la tiigsan doono wargeyska iyo maamulkiisa, haddii la baahiyo qoraalkaas.

SomlegalAds

hqdefaultMarkii jariiradu daabacday qoraalka ay kaga waramayso fariinta amarka ah ee Madaxweynaha Jarmalka ayaa waxa mar kaliya isla oogsaday, warbaahinta kala duwan ee dalkaas iyo kooxaha u ololeeya xoriayda iyo madax banaanida saxaafada kuwaas oo si kulul u canbaareeyay talaabada uu madaxweynuhu ku kacay.

Mr. Wolf oo aad ugu dhow dhow haweenayda raysal wasaaraha ama Chancellor-ka ka ah dalka Jarmalka  Angela Merkel, waxa uu 24-sacadood ka dib markii uu fariintaas codka u dhaafay wargeyska ka cudur daartay luuqada uu isticmaalay waxaanu ka bixiyay raali galin.

Ninkan ayaa wakhtiyadii u danbeeyay waxa ku socday kacdoon ka dhan ah oo warbaahintu si toos ah u baahisay, waxaana jiray dedaalo iyo cadaadisyo badan oo lagaga dalbanayo inuu xilka isaga dego, ka dib markii lagu eedeeyay inuu si khaldan u maamulay mashruuc, laga waday gobolka Saxony, oo jariiradani baahisay bishan aynu ku jirno ee December in madaxweynuhu si khaldan u maamulay oo lacag laaluush ah oo shan boqol oo kun oo lacagta Yuurada ah ka qaatay nin maamula, shirkadaha dhismaha iyo ganacsiga ee gobolkaas ka jira.

Madaxweynaha Jarmalka ayaa markii sadexaad ka cudur daartay khaladaad uu ku kacay, hasa yeeshee waxa uu wali ku sii nagi yahay kursiga, taas oo ay u sabab tahay taageerada xoogan ee uu ka haysto raysal wasaaraha iyo xisbiyada waaweyn ee dalkaas.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.