WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, September 9, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha Gobolka Meru ee ay ku yaallaan beeraha uu ka baxo qaadka Mirooga ee Dalka Kenya, Peter Munya, ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeedhay Safiirka dawladda Somalia u jooga dalka Kenya uu halis geliyay noloshiisa, isla markaana uu hadalkaasi ahaa hadal siyaasadeed cadaawadi ku jirto oo lagaga hortegayo ama lagu shaashaynayo socdaal u qorsheysan Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya inuu ku tago Somaliland dabayaaqadda bishan September.

Peter Munya, oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay xarun caafimaad oo ku taal galbeedka gobolka uu Badhasaabka ka yahay, ayaa waxa uu ku tiraabay inuu u baqayo noloshiisa kadib markii warbixinta la marin-habaabiyey ee ujeedada ay Somalia u hakisay diyaaradihii qaadka geyn jiray dalka, waxaanu Munya rumaysan yahay in hadalkaasi sida uu u galay ganacsatada qaadka Miroogu ay iyaduna halis ku tahay noloshiisa.

Waxa uu sheegay Munya in dhawr sannadood ka hor Nin u ololaynayey horumarinta ganacsiga qaadka oo la odhan jiray Ntai wa Nkuraru ay khaarajiyeen casaabadaha qaadka ka ganacsada.

SomlegalAds

Maalintii salaasadii ayuu wargeyska Daily Nation daabacay warbixin uu  sheegay in xukuumadda Somalia ku macnaysay sababta ay u joojisay qaadku ay tahay kadib markii Badhasaab Munya ganacsiga qaadka u isticmaalay inuu ugu ololeeyo kala goynta dalka Somalia, isagoo wargeysku soo qaatay socdaalkii Badhasaabka Meru uu bishii July ee sannadkan ku yimid Hargeysa, caasimadda Somaliland, halkaas oo uu ugu ololaynayey in loo fududeeyo ganacsatada qaadka Miirooga inay halkaas geeyaan, taasna loogu bedeli doono Somaliland in Kenya aqoonsato madaxbanaanideeda.

“Wuxuu isku xidhay Xuduudaha lama taabtaankaah ee dalka iyo ganacsiga qaadka, waxaanu ku xadgudbay arrimihii gudaha ee dalkayaga, taas oo culays ku keentay xukuumadda Somalia. Sidaas darteed waxaanu u joojinay ganacsigii qaadka in arrimahaas laga wada hadlo.” Hadalkaas waxa uu wargeysku ka soo xigtay Safiirka dawladda Somalia u jooga Kenya, Jamaal Xasan.

Hase yeeshee Munya oo isagoo ka jawaabaya hadalkaas wuxuu yidhi: “Xidhiidhka dalalka ka dhexeeyaa waxa uu ka dhexeeyaa xukuumadaha dalalkaas ka jira, balse ma khuseeyo maamulada gobolada. Run ahaantii waxaan u tegay Somalia waxay ahayd inaan taageero sidii uu u fiicnaan lahaa ganacsiga Miiroogu. Shoog ayay igu noqotay markii aan maqlay in joojinta qaadka aniga laygu xidhiidhiyay. Qof kastaana wuu ogyahay in Somalia si ku-meel-gaadh ah uga joojisay diyaaradaha qaadka u qaada Muqdisho inay tahay shirka u qorshaysan in lagu qabto Muqdisho,” ayuu yidhi Munya.

“Hase yeeshee, hadalka (Safiirka) wuxuu noloshaydii geliyay halis, waxaan ka baqay in Ganacsatada (Casaabadda “Cartels’) isoo raadsato aniga, waana inay kooxdaasi I nabadgeliyaan,” ayuu Munya raaciyay.

Sidoo kale, Badhasaab Munay waxa uu xusay in dhinaca siyaasadda ee gobolkiisa Meru, uu hadalka Safiirka Somalia u jooga Kenya uu maqluub u rogayo, isla markaana ku rinjiyaynayo muuqaal xun oo saameyn ku yeelan kara codbixiyeyaashiisa.

Waxa kale oo uu intaas ku daray Munya “Si la mid ah sida ay  Siyaasadda cadowgu ay ugu guuldaraysatay gobolka, ay hadda doonayso inay u diyaariso saaxad Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya William Ruto, oo ay u qorshaysan tahay inuu booqasho ku tago Mandaqadda (Somaliland) dabayaaqada bishan September.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.