WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 15, 2015 (Saxafi) – Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa shalay dhagax dhigay xarun loo dhisayo wasaaradda biyaha ee Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga kulimiye Muuse Biixi Cabdi, agaasimaha wasaaradda biyaha Cabdirisaaq Jaamac iyo mulkiilaha shirkadda dhisaysa xarunta Eng Cali Cumar ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa dhagax dhigaasi.

Dhismahan waxa kharashkeedda bixinaysa dawladda, waxaana laga dhisayaa degmadda Axmed Dhagax meel u dhow wasaaradda hawlaha guud.

SomlegalAds

IMG_0121Guddoomiyaha Kulmiye, ahna musharaxa xisbiga Muuse Biixi, ayaa sheegay in baryahan xukumaddu ku hawlanayd dhisidda xarumo dawladeed oo bilic leh, balse loo baahan yahay in xarumahaasi noqdaan xarumo bulshada loogu qabto adeegyo tayo leh. Waxa uu sidoo kale wasaaradda biyaha u soo jeediyay in dalka badankiisu biyo la’yahay, sidaasi darteedna dadaal looga fadhiyo.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa isna madasha ka sheegay inay ku faraxsan yihiin in dawladda Somaliland bixinayso kharashka wasaaradda lagu dhisaayo.Waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii loo heli lahaa xarumo ku haboon adeegyada dalka loo qabanayo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.