WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 08, 2018, (Saxafi) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda qaar ka mid ah  dalalka Afrika ee ku bahoobay urur ka hor tagga xanuunada faafa  oo uu hoggaaminaayey Dr. Simon Antera.

Waxaana ay wafdigu madaxweyne ku-xigeenka u sheegeen in Somaliland loo aqoonsaday inay xubin ka noqoto 31 waddan oo ku midoobay  la dagaalanka xanuunada faafa, taasi oo ay jamhuuriyadda Somaliland qayb ka noqotay isla maanta (Shalay).

SomlegalAds

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa ku dheeraaday dadaalka ay ka wasaarad ahaan ugu jiraan sidii ay Somaliland qayb uga noqon lahayd inta badan waddamada iska kaashada  horumarinta caafimaadka.

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Dalalka Ku Bahoobay Ka Hortagga Xanuunnada FaafaMadaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ayaa wafdigani iyo dalalka ay ka socdeen ee Afrika uga mahad celiyay garashadooda ah inay Somaliland ku daraan 31 dawladood ee ku midoobay ka hor-tagga iyo la-dagaalanaka xanuunada faafa oo bulshada Afrika fara-baas ku haya,waxaanu madaxweyne ku xigeenku sheegay in Somaliland uga baahantahay Afrika gacan weyn oo ay ku garab istaagayaan qaddiyadda kamid ahaanshaha dunida ee Somaliland.

Wafdiga ayaa ballan qaaday inay dalalkooda iyo kuwa Afrika ee kaleba ay ka dhaadhicin doonaan waxa ay Somaliland ku soo arkeen oo ay ugu horrayso nabad-galyada iyo dawladd wanaaga sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.