WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 24, 2017 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa markii ugu horeysay ku kulmay Qasriga Madaxtooyadda, tan iyo intii ka dambaysay ku dhawaaqistii natiijadii Doorashadii Madaxtooyadda, taas oo uu Madaxweyne Muuse Biixi kaga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro.

Kulankan oo maanta ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxaa guddoomiyaha Waddani ku wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka Waddani ahaana musharaxii Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Cali, Xoghayaha Xisbiga Waddani Maxamed Uur-cadde iyo xubno kale oo xisbigaas ka mid ah.

Kulankaasi oo madaxweynuhu u fidiyey masuuliyiinta xisbiga waddani ayey ujeedadiisu ahayd sidii laysugu laab xaadhan lahaa xanaftii iyo ololihii dhexmaray xisbiyada wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada iyo in la isla meel dhigo meelna looga soo wada jeedo danta qaranka, doorka mucaaridnimadu ay noqoto mid wax dhista, waxna toosisa, xukuumadduna ay dulqaadkeeda yeelato wixii toosin ah.

SomlegalAds

Kulankaasi oo saacado qaatay waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo  Xil Siciid Cabdilaahi Yasir.

Kulanka ka dib waxa saxaafadda la hadlay Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlay Xisbiga Waddani waxaanu yidhi”  Maanta oo ay bisha Diseenbar 24  tahay  waxaanu Madaxweynaha  iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Tiimkiisii oo Kulmiye ah ugu nimi Madaxtooyada, in aanu isku aragno Waddani ahaan iyo Xukuumadda xisbiga Kulmiye, islaab xaadhasho uun iyo sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa ayuu daarnaa kulankani, iyadoo dhinac waliba uu leeyahay waajibaadkiisii  gaarka  ahaa xisbiga Waddanina doorkiisii leeyahay hadana sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa baan ku kulnay.

Wax badan oo qaran ahaan inoo wada sameeyey oo mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn ayaa jira oo laga wada shaqaynayo, mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn, ayaa jira oo laga wada shaqayn karo kolay taas ayuun bay ku saabsanayd iyo islaab xaadhasho runtii ummaddana fariinta aan u diraynaa tahay si Xisbiga waddani doorashadii go’aankii hore ee uu ka qaatay uu yahay keedii, Xukuumaduna ay iyaduna asluubteedii yeelayso dul qaadkii laga rabayna ay u yeelato doorkaa mucaaradeed, Saxaafadana dulqaad u yeelato mucaaridka dulqaad u yeelato, arrimahaasi oo runtii aanu si wanaagsan isugu afgaranay  qarankan iyo mashaakilaadka taagana aanu iska waraysanay guud ahaan, waana kulankii koobaad wixii arrimo qaran ah in laga wada shaqeeyo waa laga balamay”.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna ka hadlay ayaa yidhi “Waxa maanta isu yimi Madaxweynihii Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo Xisbigii Waddani runtii waa Madaxdii ugu awooda badnaa dalka, sidaa uu sheegay Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu ku heshiinay maadaama ay xanaftii Doorashadu inaga dhammaatay, in dantii qaranka laga wada shaqeeyo,  Xisbiyada Mucaaridka iyo muxaafidkuba, hawlo badan baa inoo yaala runtii aan ku eekayn uun doorashadii Madaxtooyada in aan si wada jira uga wada shaqayno runtiina ay mucaaridku noqdaan muraayada aan isku daawanayno oo ah kuwa na toosinaya, xisbiga mucaaridka mar walba waxa uu yahay muraayada laysku eego ee marwalba tallo iyo tilaam wixii shaqadaasi ka qaloocma toosinaya, waxaan ku heshiinay in si qaranimo oo wax dhisida oo mucaaridad wax dhista ah ay u shaqeeyaan iyaguna oo ay balan qaadeen anaguna aanu dul qaad u yeelano dhaliilaha naloo soo jeedinayo ama toosinta, mucaaridadu maaha dumis inay dadku khalad u fahmaan maaha, waxay qaateen inay dalkii dhisaan oo toosiyaan oo xukuumadii maanta dhisantahay wixii dhaliila ama shaqo ka leexda ay ku toosiyaan annaguna waxaanu balan qaadnay in aanu dul qaad u yeelo toosintooda iyo tilmaantoodaba hawlaha inoo yaalana aan si wada jira uga wada shaqayno mudada dhow, waxanay maanta ahayd kulan kii koobaad wada hadalkii ku furmay”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.