WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 16, 2019 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay qaybinta imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa Afraad ee dugsiyada sare oo si rasmi ah shalay uga bilaabmay guud ahaanba dalka Somaliland.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Imtixaankan oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu gaadhayso 30,000 (Soddon kun) oo arday, ayuu madaxweynuhu ka daah-furay dugsiga Sheekh Cali Ibraahim ee badhtamaha caasimadda Hargeysa ah, ahna dugsigii uu ka soo baxay 53 sano ka hor, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo uu tilmaamay inuu qaranku geliyey waqti badan iyo tamarba.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fadhiisanaysa guud ahaanba dalka, waxana uu xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan.


“Caruurtaydu Dhakhtarka Hargeysay Ka Shaqeeyaan, Idin La Mid Bay Yihiin, Waanay Noqonayaan Dadkuna Wuu Sinaanayaa” Madaxweynaha Somaliland


Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda la wadaagay xadantada uu imtixaanku leeyahay iyo culayskiisa, isaga oo la wadaagay dareenkiisii ardaynimo xilligii uu heerkan taagnaa oo ay kasoo wareegtay in ka badan nus-qarni, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta halkan waxaan u imi laba qodob mid waa Hambalyadiina midna waxaan u dabaal degayaa sannad guuradii kasoo wareegtay maalintii Imtixaanka shaahaadiga ah ee dhexe aan u fadhiistay 53 sano ka hor oo ahayd 1966-kii subaxdan oo kale aan sidiinaa u wararsanaa oo aanan soo quraacan oo aanan habeenkii seexan.

Sidaa darteed waxaan idiinku imi inaan idiin sheego dhibaatooyinka aad qabtaan ee ardaynimo oo laga yaabo badankiinu inaydaan saaka soo quraacan, maaha inaad faqri u soo quraacan waydeen balse warwar iyo duruufaa jira awgeed, horta imtixaanka haka baqanina dhalinyaroow waan idiin sheegayaa.”

 Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu ka hadlay tacliinta la baayac-mushtareeyey ee lacag helista loo samaystay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanay hirgeli karin oo aan la aqbali Karin inay soo baxaan dugsiyo inta lacagta haysa oo kaliya u shaqaysa, “Dhici mayso dalka boqolkiiba siteedan (80%) ardayda dalka waxay ka baxaan Iskuulada dawladda Labaatan (20%)-na kuwa gaarka loo leeyahay, dalku sidee buu u soconayaa haddii la yidhaahdo Labaatanka lacagta haystaana ha dheereeyeen Sideetanka kalena ha hadho? Siduu dalku noqonayaa? Markaa waxay noqonaysaa Siddeetan baa hadhaya dadka dalka ku nool Labaatanna way soconayaan ma dhici karto Dadka inta badan baa soconaysa, Faqiirka iyo Taajirka labaduba waa inay tacliin helaan waa waajib Tujaarta saaran, waa waajib Madaxda saaran aan kow ka ahay, waa waajib saaran wixii waxgarad ah, maaha anigu lacag baan haystaa inankaygaa lacag ku soconaya, Caruurtaydu dhakhtarka Hargeysay ka shaqeeyaan idin la mid bay yihiin waanay noqonayaan dadkuna wuu sinaanayaa sidaasaa loo wada sinnaanayaa, Ilaahay baa dadka simay oo Irsaaqada, Lacagta iyo Caafimaadka u kala dheereeyey laakiin maaha in la kala jiito oo in yari baxdo noqon mayso aad iyo aad baan idiinku mahad naqayaa waxaan idin dardaarayaa Dal jaceyl isku Kalsooni Waxbarasho midnimo Somaliland ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Tacliintana dibaanu u eegaynaa waanu wadnaa, waxaanu ogaanay in Iskuul waliba lixda bilood ee u danbaysa uu lacag badan ku khasiro Toban arday ama Laba iyo toban arday meel gaara geliyo macalimiin gaara u qabto oo uu u dhigo ilaa heerka jaamacadda koobaad tobankaa Arday dabadeedna ay Imtixaanka soo galaan iyagoo ka duwan qaranka oo dhan taasina sax ma ahee khalad bay ahayd in Toban Arday dadka lagu jaah wareeriyo oo la yidhaahdo Gaadhi baa la siinayaa iyo Shuuli dahab ah baa la siinayaa waa baayac-mushtari ee ma aha waxay ardaydu shaqaysateen wax la soo dhisay bay ahayd, Wiil Taajir ah iyo gabadh Faqiir ahi Imtixaanka way u sinnaanayaan Fasal qudha ayeyna wada gelayaan, taana halla ogaado.”

 Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee gacantiisa ku qaybiya imtixaanka qaranka, waxana ay taasi marag ka tahay sida ay xukuumadda uu hoggaamiyo uga go’an tahay adkaynta iyo hirgelinta waxbarasho tayo sare leh, taas oo kamid ahay tiirarkii halbawlaha u ahaa barnaamuj siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE tartankii doorashooyinka ku galay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.