WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February 17, 2020 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegay inay ku go’aan qaadatay darreenka iyo aragtida diidmada ah ee Shacabka, Xisbiyada Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta madaxa-bannaan ee Dalku ka muujiyeen qorshe la sheegay in Madaxweynaha federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya ku doonayaan inay ku yimaaddaan Hargeysa, kaas oo la sheegay inay marka hore isla qaateen amma isla qorsheeyeen Madaxweyneyaasha Somaliland, Soomaaliya iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Go’aanka ka dib aragtida Bulshada kala duwani ka muujiyeen hadal-haynta imashada Farmaajo ee Hargeysa oo baraha bulshada aad loogaga doodayey amma lagaga hadlayey, ayaa la sheegay inuu qaaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isla markaana uu warqad qoraal ah shalay u diray Xukuumadda Itoobiya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda, taas oo la tibaaxay inuu ku muujiyey inaanay suuragal ahayn oo Somaliland diyaar u ahayn in Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo Hargeysa yimaaddo.

Warqadaas xambaarsan mawqifka diidmada ah ee xukuumadda Somaliland, ayaa shalay la gaadhsiiyay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Ethiopia.

Haddaba, Warka ku saabsan Warqadda qoraalka ah ee la sheegay in Madaxweyne Biixi u diray Itoobiya oo aan warbaahinta si toos ah loo siinnin, ayaa Nuxur ahaan la ogeyn waxaa uu Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed kaga jawaabay.

Ila wareedyada, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, toddobaadkan gudihiisa Baarlamaanka la hadli doono faahfaahina ka bixin doono kulamadii uu madaxda kula Yeeshay Magaalada Addis Ababa iyo dhambaalkan uu Ethiopia u diray ee uu kaga hortagayo imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya.

Laba saddexdii caano-maal ee u dambeeyay ayaa guud ahaan magaalooyinka Somaliland waxaa ka jiray buuq iyo sawaxan ka turjumayey darreenka shacabka Somaliland ka bixiyeen tibaaxda odhanaysa Farmaajo ayaa la qorshaynayaa inuu Hargeysa ka soo dego, taas oo si weyn shacabka Somaliland gudaha iyo dibaddaba inta isticmaasha baraha bulshadu xisaabahooda ku soo bandhigeen, halka inta badan oo kalena ay goobaha layskugu yimaado ee magaalooyinka isku dhaafsanayeen doodo kulkulul oo ay kaga soo horjeedaan arrintaas, halka in kale oo ka mid ahina su’aalo door ah iska weydiiyeen oo ay ka mid ahayd maxaynu dhaafsanay imaatinka Farmaajo, iyo ha yimaadee Ictiraafkii ma ku dhawaaqayaa?

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.