WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 10, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay isku-bedel iyo magacaabis ku sameeyay Golihiiisa Xukuumadda oo aan sannad weli dhamaysan, waxaanu isku-bedelka iyo magacaabista uu sameeyay uu saameeyay Wasaaradihii ugu tunka weynaa ee Horumarinta Maaliyadda, Arrimaha Dibdda iyo Waxbarashada iyo Sayniska.

Madaxweyne Muuse ayaa wareegto Madaxweyne oo uu maalin-badhkii maanta soo saaray uu ku magacaabay, saddex masuul oo laba ka mid ahi yihiin haween, halka uu toddoba masuul oo kalena u kala bedelay xilalkoodii.

SomlegalAds

Sida ku cad wareegtadan Madaxweynaha waxa uu Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir  oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska u bedelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, halka uu Sacad Cali Shire oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah u bedelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, iyadoo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi Raage uu u bedelay inuu noqdo xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu golihiisa xukuumadda ku soo daray laba xubnood oo haween ah kuwaas oo kala ah Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar oo uu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye oo uu u magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Sidoo kalena Madaxweynuhu wuxuu magacaabay Cismaan Jaamac Aadan Iimaan oo uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Tallaabadan ayaa markii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Isku-bedel ku sameeyo golihiisii ugu horeeyay ee xukuumaddiisa oo aan weli dhamaysan sannadkii u horeeyay.

Wareegtada Isku bedelka iyo Magacaabista Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018, waxay iyadoo dhamaystiran u dhignayd sidan:

Wareegto Madaxweyne

Magacaabis iyo Isku-beddel

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

1)      In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir Magaca Xilka
1 Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
2 Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga
3 Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

 2)      In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

Tir Magaca Xilka
1 Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
2 Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
3 Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame  (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
4 Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
5 Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
6 Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka
7 Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka

 ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.