WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July, 26, 2018 (Saxafi) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa casho-sharaf ku maamuusay aqoonyahanno, isugu jira qorayaal, cilmi-baadhayaal iyo mu’allifiin kasoo kala jeeda dalal kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo lagu marti-qaaday carwadda caalamiga ah ee bandhigga Buugaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair) oo toddobaadkan laga furay magaaladda Hargeysa.

Kulan casho sharafta waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, siyaasiyiin, guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa, Mudane Jaamac Muuse Jaamac iyo xubno boqol ka badan oo kamid ah martida ajaanibka ah ee carwadaa caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa lagu marti-qaaday.

SomlegalAds

Guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargeysa,Jaamac Muuse Jaamac ayaa ku dheeraaday dedaalka ay xarun ahaan ugu jiraan inay Somaliland ku soo jeediyaan indhaha caalamka iyo sida ay martida ajaanibka ah ee dalka timaaddaa ula dhacsan yihiin nabadda iyo horumarka ka tisqaaday Somaliland oo rejo iyo yidiilo cusub ku beera cid kasta oo dalka timaadda.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa dalka ku soo dhoweeyey martida ajaanibka ah ee Somaliland timid.

“Dhammaan aqoonyahanka, hal-abuurka, filim sameeyayaasha iyo dadka aqoonta badan ee dalalka kala duwan ka yimi ee carrigayaga nagu sharfay inay yimaaddaan waxaan leeyahay soo dhawaada, kusoo dhawaada dal nabad ah, Dimuqraaddi ah, aragti horumarineed ku socda, nabadgeliya caalamka, jecelna inuu caalamka wax la qabsado, haddana aan la aqoonsan, laakiin iyagu is aqoonsan, ogna inay maalin cidi waliba aqoonsan doonto.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi intaas ku daray “Somaliland waxa ay kasoo bilaabantay 28-sano ka hor meel adag, waayo-arag badan bay ku qaadatay sida nabadda loo dhiso ee colaadaha loo damiyo, waxaana ay waayo-arag ku tahay sida haykalka dawladeed loo dhiso oo laga soo bilaabo meel Eber ah, iyada oo aanay gacan shisheeye soo gelin, cidina aanay ka taageerin, waxaana ay diyaar u tahay inay waayo-aragnimadaas u gudbiso jaararkeeda iyo dalalka kale ee adduunka oo ay kamidka tahay walaalahayaga Soomaaliya oo ay dhibaato badani haysato oo aanu wax badan uga tari lahayn, laakiin ay na dabrayso aqoonsi la’aanta caalamku… Waxaanu nahay dal nabad ah, isagu is nabad geliyey, dhibaatooyinkiisa iyo khilaafaadka gudihiisana xallista, caalamka iyo jaarkayagana waxa aanu ugu baaqaynaa nabad, horumar iyo is-kaashi caalami ah.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.