WorldRemitAds

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa ka waramay waxyaabaha u qorshaysan marka uu xilka ka dego, ee uu qaban doono, waxaanu sheegay oo uu carabka ku dhuftay, mashaariic dhinaca ciyaaraha la xidhiidha, kuwaas oo wajiyo iyo noocyo kala duwan isugu jira.

Madaxweyne Obama ayaa waxa su’aalo ku saabsan mustaqbalkiisa iyo waxa u qorshaysan marka uu xilka ka tago, waydiiyay wariye ciyaaraha ka faalooda oo lagu magacaabo, Bill Simmons, waxaanu Obama siiyay jawaab ku saabsan waydiintaas.

Barack ObamaMadaxweyne Obama ayaa ugu horayn ka waramay, sida wayn ee uu ciyaaraha u xiiseeyo iyo waxyaabaha uu ku talo jiro, inuu qabto oo ah inuu isu sharaxo guddoomiyaha xidhiidhka kubada Baseball ee Maraykan ama uu noqdo madaxweynaha xidhiidhka kubada kolayga ee dalkiisa.

SomlegalAds

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sidoo kale sheegay, inuu qorshaynayo sidii uu xubin fir fircoon oo arrimaha sharciga iyo xuquuqda aadamiga dadka ka caawiya, waxaanu sheegay in shan iyo tobanka bilood ee ugu hadhay Madaxtinimada uu ka shaqayn doono, dhinaca cadaalada.

Waxaanu sheegay inuu si madax banaan uga xaadiri doono, fadhiyada maxkamada sare ee dalkaas, wixii talo iyo tusaale ahna ka gaysan doono, taas oo uu ku taamayo sidii uu ugu danbaynta cadaalada iyo maxkamada sare uga mid noqon lahaa.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in hamigiisa ugu wayni yahay, sidii uu Madaxweynaha Kubada Kolayga ee dalka Maraykanka u noqon lahaa, waxaanu sababta ku sheegay, lacagta aadka u badan ee hogaamiyayaasha xidhiidhka kubada kolayga ee dalkaasi sanadkii mushaharada u qaataan oo ah ayuu yidhi, afar iyo afartan milyan oo dollar sanadkii, uu ka qayb qaato.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.