WorldRemitAds
Madaxweyne – Haddii aanu nahay dhalinyaradda iyo waxgaradka deegaanka Laasqoray, waxaanu wasiirka Kalluumaysiga ku eedeynaynaa in qalabkii kalluumaysiga ee la noogu soo dhiibay ee dhamayd labaatan shabaagta kalluunka lagu dabo iyo kow iyo toban matoor naga lunsaday, isla markaana meel uu geeyey aanan garanayn, waxaana xukumadda ka codsanaynaa in qalabkaasi loogu tallogalay Laasqoray aanay weli na soo gaadhin, isla markaana meel ay martay aanan garanayn, iyadoo magaca deegaankayaga lagu soo qaatay.

Madaxweyne Qalabkii Kalluumaysiga Waxa kale oo jirtay mashaariic faro badan oo loogu talogalay deegaanka oo loo soo dhiibay wasiirka Kalluumaysiga aanay na soo gaadhin, waxaana madaxweynaha u qornay waraaq aanu arrintaasi ugu faahfaahinay, isla markaana aanu dalbanay halka la geeyey in na looga soo waramo iyo in aanan qalabkaasi iyo mashaariicdaaasi na soo gaadhin, haseyeeshee madaxweynuhu illaa hadda kama soo jawaabin, waxaana madaxweynaha mar labaad ka codsanaynaa in wasiirka la nooga soo qaado qalabkaasi oo deegaanada xeebaha oo dhan loo qaybiyey balse qaybtii Laasqoray aan naloo keenin, iyadoo illaa hadda wasiirka laftiisa aanu nooga jawaabin.
Madaxweyne waxaanu ka sugayna jawaab ku aadan in qalabkaasi halka uu maray na loo cadeeyo, isla markaana qaybtii Laas qoray wali na soo gaadhin.
Qore Sanyare Cabdi, Laaqoray, Somaliland.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.