WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 08, 2015 (Saxafi) – Waxgarad xoog leh oo ka mid ah Madaxda dhaqanka iyo aqoonyahanka Beelaha Subeer Awal ayaa mar kalle madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka dalbaday inuu dib u dhigo shirweynaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, Islamarkaana dhagaysto baaqyadda Is bahaysiga Murashaxiinta oo ay sheegeen in ay haystaan taageeraddooda.

Waxgaradkan oo shir’jaraa’id ku qabtay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa shalay ayaa madaxweyne Siilaanyo kulla taliyay in si loo badbaadiyo masiirka iyo mustaqbalka dambe ee xisbigaasi la joojiyo af-duubka Xisbiga, waxaana ay ka digeen in nidaam inqilaab ah oo ku dhisan kalitalisnimo loo gacangaliyo talada ummadda.

Odayaasha HabarawalOday Xasan Habane Gadhweyne oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi ”Keligii talisku ha dhaco, digtaatooriyaddu ha dhacdo, cadaaladu ha noolaato, maanta inakoo askari Siyaad Barre ah soo marnay si wax loo dilo iyo si wax loo canaado mooyee aan wax kale aqoon mid kale uma baahna Somaliland, waxay u baahantahay nin u dhibriya caruurta agoonta ah oo umadda isku haya ee nin is taawiyay oo aan Aqoon ku hayn Somaliland maanta itaal uma haysee, ilaahay hay naga qabto”

SomlegalAds

Sidoo kallena Siyaasi Baashe Cabdi Gaboobe oo ka mid ahaa asaasayaashi Xisbiga KULMIYE oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa ku baaqay in si cadaalad iyo hufnaani ku jirto loogu tartamo xisbiga KULMIYE. ”Madaxweynaha ayaynu la hadlaynaa, Cida Kulmiye maanta mindida daabkeeda haysa ee waxna dooranaysa iyo kuwa hanka leh baynu la hadlaynaa, waa in si cadaalad iyo hufnaani ku jirto loo tartamo oo cidii guuleysata loo quudho siday Somaliland weligeed ku caana maashay” ayuu Yidhi Baashe

Aqooyahan Cabdi Maraykan oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inaan jujuub iyo afduub lagu qaban talada Madaxweynenimo, waxaana uu ku baaqay in dib loo dhigo shirka xisbigaasi KULMIYE. ”Marku qofku u soo badheedho in uu madaxweyne Noqdo oo is sharaxo, jujuub laguma noqdo, anigaa lehduna waa wax laga xishoodo, waxaananu leenahay, ninka caynkaas ah ka noqo, anigaa dabaakhii ah anigaa karinaya, anigaana maqalkii fadhiya, taasi kaa socon mayso, madaxweyne Shirka golaha dhexe Dib u dhig, adigaanu kula hadlaynaa’e”

Madaxdhaqameed, aqoon yahano iyo xubno kale oo tiro badan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood waxaa ay walaac ka muujiyeen natiijadda ka dhalan karta habka loo waddo Shirka Xisbiga KULMIYE waxaana ay ku adkeeyeen Madaxweynaha inuu ka fiirsaddo arrintan oo ku hoggaamiyo dalka hanaan odaynimo oo aan xisbigaas u keenin burbur iyo tafaraaruq uga sii darra xaaladda uu haddaba ku sugan-yahay. Waxaana ay tilmaameen hiilbadan oo ay u soo galeen Xisbiga KULMIYE oo ay sugayaan in Madaxweyne Siilaanyo ugu hanbeeyo sidii ay ugu liseen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.