WorldRemitAds

By Axmed-Keyse Cali Rooble

Ruux haddii la doortoo, derajadii la saariyo,

SomlegalAds

Xilkii daryeeli waayaa, dab dhaxamooday weeyee!

Waa su’aal da’weynoo, madaxa daalineysee,

Wixii lagu diirinayo, dadweynahaa la weydiin!

Tan iyo maalintii la maqlay warka shirkii London loogu qabtay Soomaalida, lana shaaciyey in shirka lagu casuumay Madaxweynaha Somaliland. Waxa shacbiga soo waajahay welwel badan oo ay ka qabaan shirka iyo sida uu u saameyn karo qadiyadooda.

Marka laga yimaado Madaxweyne Siilaanyo oo ku caan baxay aamus iyo ka gabashadda arin kasta oo xasaasi ah; waxa warbaahintu fursad u heshay in ay arintan wax ka weydiiso rag kala duwan oo masuuliyiin ah, gaar ahaan Wasiirka Arimaha Dibadda. Kaas oo marar badan oo kala duwan ka hadlay arinta shirka, sheegeyna in aanu shirku khuseynSomaliland.

Muddadii shirku markii ay soo dhawaatay ayuu Madaxweyne Siilaanyo xoog badan geliyey sidii uu u xalaashan lahaa tegista shirka oo xeer diidayey ka yaalay. Wuxuu hawl badan geliyey, hadhimooyina u sameeyey qaybo kala duwan oo horjoogayaasha bulshada ah, sida Suldaamadda, Madaxda Ururadda Siyaasadda, iyo Xildhibaanadda Labada Golle.

Toddobaad gudihii ayaa lagu dhameeyey, looguna ogolaaday Madaxweyne Siilaanyo in uu tegi karo meel kasta oo arimaha Soomaalida lagaga hadlayo.

Waxaa cajiib ahayd sida uu ugu xamaam gurtay, iyo xulashadda wafdiga uu kaxaystay shirka. Arintan ayaa xiise gaar ah lahayd, waxayna la macne ahayd in shirka loo dhamaado, marka la eego beelaha kala duwan ee bulshadu ka kooban tahay. Si cid kastaa isaga dhex aragto, una ogaato in meesha loo tegay, si ay u shifeystaan wax kasta oo shirka ka soo baxa!

Si kasta oo shirku u dhacay, iyo dheef kasta oo laga filan karayeyba, waxaa ka weynaatay, hadal haynta bulshaddana hadheeyey in Madaxweynuhu ka hadlay goobta iyo in kale!

Maaha dhib in qof la siin waayo maamuus hadal, waxaase dhako-faar noqotay in war been ah la dhadhabo, lagana dhigo run! Dadkana la maqashiiyo wax aan meel mar noqon karin.

Beenta oo maalmahan danbe noqotay sahayda qudha ee qofka siyaasiga ahi sito, ayaa si fiican loogu sarifay dadka, loona sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu ka hadlay shirka, walibana ku hadlay Ingiriisi heer sare ah, taas oo sacab badani u dhacay!

Waxaa dad badan fajiciso iyo filan waa ku noqotay waxa beenta intan leeg lagu bedelanaayo! Ma dadka ayey ka baqayaan, markaa beenta way isku badbaadinayaan? Maya, haddii ay dadka ka baqayaan beenta intan leeg u may dhiibeen! Hadaa maxay daaran tahay? Waxay daaran tahay in dadkan ay bulshadu dooratay ay dab dhaxamooday la mid yihiin! Xilkii loo dirsadayna uu dushooda ku xanuunsanayo!

Xikmaddu waxay tahay in dib u xisaabtan dhab ah lala yeesho dadkan sidan u dhaqmaya. Waayo, amaano run ka weyn oo la ilaaliyaa ma jirto. Qofka inta yar dayacana, in weyn laguma aamini karo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.