WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 19, 2012, (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Ha’yada dalka Turkiga u qaabilsan iskaashiga iyo xidhiidhka oo hoos yimaadda Raysal wasaaraha dalkaasi.

Waxyaabihii kulankaasi lagu falanqeeyay waxa war-saxaafadeed ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’adda Dawladda Turkiga u qaabilsan wax-wada qabsiga iyo xidhiidhka oo hoos timaada Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Jamhuuriyada Turkiga.

Abdulahad Kokdagi oo ah TIKA SOMALI PROGRAM COORDINATOR ayaa madaxweynaha uga waramay ujeedada Socdaalka uu weftigiisu ku yimid dalka waxaanu sheegay inay Dawladdiisu diyaar u tahay sidii ay Somaliland uga caawin lahayd, Baahiyaha Horu-marineed hadii ay noqon lahayd wadooyinka, caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mida.

SomlegalAds

Madaxweynaha Somaliland ayaa Dawladda Turkiga ku amaanay fir-fircoonida xidhiidhka caalamiga ah ee ay la leedahay Dunida inteeda kale. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu xidhiidh fac-weyni ka dhaxeeyo Turkiga iyoSomaliland.

Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland u qabto kaalmada Turkiga oo uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay rummoobi-doonto, wasiiradda, Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta iyo Macdanta, Tamarta & Biyaha, ayaannu u xil-saaray inay weftiga u qadimaan baahiyaha Lama huraanka ah ee ay Dawladda Turkigu ka caawin karto Somaliland.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.