WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 9, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay degreeto madaxweyne ku wareejiyey wakaaladdii horumarinta wadooyinka ee madaxtooyadda hoos iman jirtay oo loo wareejiyey wasaaradda Hawlaha Guud iyo guriyeynta.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa lagu sheegay Degteeto madaxweyne oo wakaaladda wadooyinka lagu wareejinayo laguna geynayo wasaaradda Hawlaha Guud, waxaanu u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3673/112015 ku wareejiyey Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ooh ore u hoos Iman jirtay Madaxtooyada.

Madaxweynuhu:-

SomlegalAds

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Faqradda 2aad ee Xeer Madaxweyne Lr. 0273/102012 ee ku taariikhaysan 01/10/2012, oo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka lagu hoos geeyey Wasaaradda Madaxtooyada;

Madaxweyne-SiilaanyoMarkuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Talada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo cidda ay khusayso;

Markuu Dersay: Baahida loo qabo in Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada la hoos geeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka maadaama Xeerka Horumarinta Waddooyinka loo gudbiyey Baarlamaanka isla markaana wax badan ka qabsoomeen horumarinta waddooyinka;

Markuu Garawsaday: Inay tahay xilli ku habboon in loo wareejiyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka;

Wuxuu Soo Saaray;

In laga bilaabo taariikhda Xeerkan, ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada lagu wareejiyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.