WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 12, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa shalay ka dib xidhitaankii shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye waxa uu booqasho ku tegay Cusbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa, halkaas oo uu Madaxweynuhu ugu horayn ku booqday Maxamed Cabdi Iskeerse oo ah Siyaasi iyo Oday qaran Madaxweynahana ay saaxiibo dhaw yihiin, oo xaalad caafimaad awgeedna u jiifa Cusbitaalka weyn, kaas oo dorraadna ka mid ahaa ka qaybgalayaashii furitaankii shirkii golaha dhexe ee Kulmiye.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Gudoomiyaha ama Musharaxa Xisbiga kulmiye, Xubno wasiiro ah, Xildhibaano iyo Marwada koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Amina weris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa dhamaantood waxay alle uga baryeen in uu xanuunka ka dulqaado Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu booqday bukaan jiifka ku jira dhakhtarka weyn isaga oo madaxweynuhu guud ahaan dadka ku sugan cusbitaalka ugu duceeyey in alle ka dulqaado xauunka caafimaad sareecana siiyo dhamaantood.

SomlegalAds

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse isagoo sheegay in madaxweynuhu dadka ku sugan dhakhtarka weyn ee bukaan jiifka ah, kuwa ku sugan dhakhtarka TB-da iyo bukaanka qaybta Maskaxda uu madaxweynuhu ugu deeqay xoolo nool oo loo qali doono dhamaantood.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.