WorldRemitAds

“Waxaynu Nahay Dal Iyo Dad Isku Wadi Kara Gurmadka Abaaraha Iyo Qaadashada Kaadhka Codbixinta”

 “Waa horumar iyo guul loo qaaday dhinaca geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo hannaanka doorashooyinka xorta ah ee ka tisqaaday geyi-geenna hooyo” Madaxweynaha Qaranka Somaliland

Hargeysa, Somaliland, April 27, 2017 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa ugu baaqay shacbiweynaha Somaliland inay qaataan kaadhka codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo dhowaan qaybo dalka ka mid ah ka bilaabmaya, isagoo dhinaca kalena sheegay in la sii waddo gurmadka loogu gurmanayo dadka reer Somaliland ee abaaraha adag ee ka jiraa la tacaalaya, waxaanu xusay in laysku wadi karo labadaas hawlood oo muhiim u leh Somaliland.

SomlegalAds

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal maanta ka soo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxaanu qoraalkaas oo dhammaystirani u qornaa sidan:

“Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan maanta idiin soo gudbiyo, fariin xambaarsan muhiimadda qaadashada kaadhka cod-bixinta oo dalka ka bilaabmi doonta 29-ka, bisha April, 2017-ka, Eebe idamkii.

Qaybinta kaadhka codbixinta doorashada madaxtooyadu, waa gallad eebe iyo guul u soo hoyatay guud ahaan Qaranka Somaliland. Waa horumar iyo guul loo qaaday dhinaca geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo hannaanka doorashooyinka xorta ah ee ka tisqaaday geyi-geenna hooyo.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Somaliland inay qaataan oo xil weyn iska saaran in qof walba oo muwaadin ahi helo aqoonsigiisa codbixiye.

Innaga oo xog-ogaal u ah oo dareensan xaaladda ba’an ee abaaraha dalka ka taagan, kuna hawlan dardargelinta gurmadka bulshadeena abaaruhu samaayeen, (waxaynu Ilaahay ka baryaynaa inuu abaarta inaga soo jebiyo, insha Allaahu).

Waxaan ku rajo-weynahay inaynu nahay dal iyo dad isku wadi kara hawlaha gurmadka abaaraha ee dadkeena tabaalaysan iyo qaadashada kaadhka codbixinta.  Xukuumad ahaan, waxa naga go’an in ay doorashada madaxtooyadu ku qabsoonto wakhtigii loo cayimay ee 13, November 2017-ka, ee waxaan leeyahay halloo diyaar garoobo.

Ugu dambayn, Shacbi-weynaha Somaliland waxaan ku dhiiri-gelinayaa ilaalinta nabadgelyada, gurmadka abaaraha iyo horumarka dalka”.

Wa-bilaahi Tawfiiq”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.