WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 4, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay Digreeto uu soo saaray ku magacaabay guddi ka tallo bixisa sicir bararka.

In kasta oo guddiyo fara badan oo amuuro kala gadisan hore Madaxweyne Siilaanyo ugu saaray aan natiijo la mahadiyo ka soo bixin, haddana, Madaxweyne Siilaanyo wareegtadiisan cusub ee guddiga waxaa lagu cadeeyay war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda, kaas oo u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta Digreeto madaxweyne ku magacaabay Guddi Shan xubnood ka kooban oo soo baadha kana soo talo bixisa sicir-bararka dalka ka jira, oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland.
DSC_0003Xubnaha Gudida
  1. Madaxweynaha ku-xigeenka JSL (Guddoomiye)
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (G/ku xigeen)
  3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL
  4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  5. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL
UJEEDDO: Magacaabid Guddi
Mudanayaal iyo Marwo;
Masuuliyadaha iyo waajibaadka muhiimka ah ee Xukuumadayda ka saaran xagga arrimaha dhaqaalaha dalka waxa ka mid ah la socodka qiimaha shilinka Somaliland iyo kolba heerka uu marayo sicirka suuqu (korodh iyo hoos u dhacba). Sida aad la wada socotaan, dalkeena waxa ka jira sicir-barar ba’an oo saamayn toos ah ku yeeshay nolol maalmeedka bulsha weynta Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba Mudanayaal iyo Marwo, waxa lagama maarmaan ah in arrintaa si qoto dheer loo soo baadho, looga soo war bixiyo isla markaana laga soo ururiyo xog waafi ah oo lagu go’aan qaato. Sidaa darteed, Guddi ahaan waxaan idin farayaa inaad xog buuxda iga soo siisaan sicir-bararka dalka ka jira, kana soo talo bixisaan wixii arrintaa lagu xallili karo. ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.