WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 16, 2017 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa xalay digreeto Madaxweyne ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga, halka dhinaca kale oo uu isku bedel ku sameeyay saddex Agaasime Guud.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland ka soo saaray digreetada Madaxweynuhu xalay soo saaray, kaas oo isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo, waxa uu caawa digreeto Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4891/062017 uu ku magacaabay la-taliye Madaxweyne, isagoo isku bedelna ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha dalka.

SomlegalAds

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:            In baahi loo qabo magacaabidda jagada La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Dabagale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga (Bedel hore hoggaanka hawlgelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland).

Isku bedelka Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:           Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:      Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:          In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Waxbarashada & Tacliinta Sare, Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta iyo Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan;

Wuxuu go’aansaday

  1. In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Warfaafinta iyo wacyigelinta).
  2. In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare).
  3. In Mudane, Xasan Cumar Hoorri, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta).

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cigse(Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL”

 

Halkan Guji si aad u soo rogoto Cadadkii 1804 ee Wargeyska Saxafi ee soo Khamiis, June 15, 2017

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.