WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 8, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xadhiga ka jaray Xarunta Agoomaha ee ay maalgelisay Dawlada Kuwait, dhismahan ayaa gaar u ah hablaha agoomaha ah iyadoo ay hore uga hirgeliyeen Caasimada Hargeysa dhisme u gaara wiilasha.

Xadhig ka jaristaas ka dib waxaa madaxweynaha halkaasi warbixino ku saabsan Dugsiyada Kuwait Charity Academy lagana maal geliyey Xafiiska sekeda ee Dawlada Kuwait. Sidoo kalena waxaa uu madaxweynuhu qol-qol u soo booqday xaruntaas agoomaha ee hablaha lagu daryeeli doono, ka dib markii uu soo dhameeyey Kormeerkaasi wuxuu ka qeyb galay Xaflad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Kuwait Charity Academy.

Munaasibadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay dawlada Kuwait islamarkaana gadhwadeen ka ahaa Mashruucan kheyrigaa ee lagu dhisay xarunaha agoomaha, ugu horaynba waxaa halkaas hadal ka jeediyey Ibraahim Nuur Jaamac oo ku hadlaayey maamulka Gacan ku haynteeda leh dugsigaasi isaga oo madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyey inuu kala soo qeyb galo furitaanka Xaruntii labaad ee agoomaha oo dawlada Kuwait ugu deeqday dawlada Somaliland.

SomlegalAds

Maareeyaha xafiiska samafalka Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa aad ugu mahad celisay dawlada Kuwait mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen wadanka Somaliland, sidoo kalena waxaa mahad balaadhan u celisay Madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo oo aanay la’aantii suura galeen mashaariicda horumarineed ee wadanka ka fushay, sidoo kale waxaa ay mahad taasi la mida u celisay Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina waris Sh. Maxamed Jirde oo ay ku amaantay sida ay ugu hagar baxdo agoomaha iyo danyarta.

Sacad Al-cutaybi oo ku hadlaayey afka dawlada Kuwait oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ugu horaynba u mahad celiyey Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Siilaanyo ka soo qeyb galkiisa munaasibadan waxaana uu sheegay in mashruucan kheyrigaa loogu talo galay in lagu daryeelo ubadka agoontaa kuwooda danyarta ah islamarkaana ay fulisay dawlada Kuwait, iyadoo kaashanaysa Xafiiska sekeda.

Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafka JSL Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa Dawlada Kuwait ku amaanay doorka horumarineed ee ay ka qaadatay dhismayaasha dugsiyada lagu xanaanaynayo ubadka agoontaa, sidoo kale wuxuu xusay in sanduuqa sekeda ee Dawlada kuwait Somaliland ka fuliyey mashaariic kheyriya islamarkaana ay dawlada Somaliland uga mahad celinayso waxtarkaas balaadhan dhigooda walaalaha muslimiinta ah ee dawlada kuwait.

Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu dambayntii halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in mashruucan dhismayaasha dugsiyada Kuwait Charity Academy uu shacabka Somaliland ugu fadhiyo qiimo weyn, sidoo kalena ay u mahad celinayaan Dawlada Kuwait, waxaana halkaas uu Madaxweynaha lagu Gudoonsiiyey abaalmarino ay masuuliyiinta Kuwait isaga ugu talo galeen, halka uu isna gudoonsiiyey shahaado sharafyo uu ku maamuusay masuuliyiintii ka socotay Dawlada Kuwait ee goobta ku sugnaa.

Dhanka kale Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xadhiga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyey qeybaha kala duwan ee Cusbitaalka International ee Magaalada Hargeysa, sidoo kale wuxuu indha-indhayn ku sameeyey dhamaan qeybaha kala duwan ee uu Cusbitaalku ka kooban yahay. Cusbitaalkan ayaa ah mid lagu daaweeyo Caruurta wax ka barata dugsiga Kuwait Charity Academy sidoo kalena loogu adeego buslahda kala duwan ee Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.