WorldRemitAds

Djibouti, Djibouti December 27, 2016 (Saxafi) – Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi ee dalka Masar ayaa dalkiisa ku soo dhoweeyey madaxweyanaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele.

Ujeedadda casuumadan ayaa la sheegay inay la xidhiidho dawladda Masar oo ka biyo diidan saldhig uu Sucuudigu ka samaysanayo wadanka Djibouti, taas oo dalal badan ka dareen qaateen, waxaana la sheegay in marti qaadkan labada Madaxweyne uu arrintaas daaran yahay.

Madaxwayasha Masar iyo Djibouti oo kulankoodii ka dib shir jaraa’id si wada jir ah u qabtey ayaa waxaa ay sheegeen in ay heshiis isfaham ka gaadheen arrimo door ah oo ay ka mid tahay waxbarashada dhinaca farsamada iyo caafimaadka In la isla kaashado. Waxa kale oo ay sheegeen in xoojinta iyo kor u qaadida xidhiidhka labada wadan uu muhiim u yahay mandaqada iyo caalamka ba qodobkaasna ay isla qaateen. Sidoo kale, waxaa ay tilmaameen in amaanka ama nabadgelyo xumadda Badda Cas ee soo waajahadda labada dal midkood ay dhib ku tahay sidoo kale labadda wadanba. Sidaas darted loo baahan yahay in laga gaashaanto.

SomlegalAds

Dowlada Masar ayaa u aragta dalka Djibouti mid hoos yimaada ama ka mid ah goobaha  ay danteeda qaranka ku ilaaliso iyo in talaabo kasta oo dalka Djibouti u qaaddo dhinacyadda ay is hayaan dalkaasi uu saameyn ku yeelanayo amaanka Qaranka Masar. Waxaana baryahan danbe xumaa xidhiidhka labada waddan ee Sucuudiga iyo Masar oo u muuqday kuwo u kala tagay siyaasadda arrimaha dibada iyo danaha dagaalka Suuriya, in kasta oo ay ku wadda jireen oo dowlada Masar ay ka mid tahay isbahaysiga uu hogaminayo Sucuudi Arabiya ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta ee ka dagalaanta dalka Yemen. Hase ahaatee, waxaa Cadhadda labada waddan kor u sii qaaday oo la arkay ka dib markii ay dhawaan dawladda Masar u dirtay Wefti waddanka Iiraan, kaas oo kaga jawaabeen socdaal Wefti sare oo Sucuudi ahi ku tagay Dhaam dalka Ethiopia laga sameeyay oo isna loo arkayay farriin uu dalka Sucuudigu dirayo. Si kasta ha ahaatee, Xidhiidhka labada wadan ee Masar iyo Djibouti ayaa bilaabmay sanadkii 1977-kii oo uu xornimada qaadatay dalka Djibouti.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.