WorldRemitAds

Paris, Farance, July 28, 2018 (Saxafi) – Madaxweynihii hore ee Faransiiska François Hollande oo xilka ka degay muddo haatan laga joogo ku dhawaad sannad ayaa waxa uu qoray Buug uu kaga hadlay sababihii loogu fashilmay Gurmadkii Milliteri ee ay Ciiddamo Faransiis iyo kuwo Maraykan ahi ku doonayeen inay ku soo furtaan Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonkooda oo la odhan jirey Denis Alex, kaasi oo ay Dagaalamayaasha Al-Shabaab qabteen, isla markaana ku dileen Hawlgal ka dhacay Degmadda Buulo-Madheedh ee Gobalka Shabeellada hoose.

François Hollande oo ka tirsan Xisbiga Hanti-wadaagga (The Socialist) ee dalkiisa waxa uu Xogta guul-daradaasi ku soo bandhigay Buug uu ugu magac daray Casharadda Awoodaha” ama “Lessons of Power” waxa uu ku iftiimiyey Khibradiisa muddada 5-ta sanno ah ee uu fadhiyey Xafiiska iyo Amarkii uu ku bixiyey Badbaadintii Sarkaalkaasi lagu haystay Koonfurta dalka Somalia.

SomlegalAds

Waxa uu Buuggiisa ku xusay in Habeenkii ay Komaandooska  dalkiisu qaadeen Hawlgalkii lagu soo furan lahaa Sarkaalkaasi uu fashilmay, taasina dhibaato ku noqday Maamulkiisa.

Waxa uu tilmaamay in Hawlgalkaasi fashilmay keenay dilka qaar ka mid ah Askartii Faransiiska ahaa ee ka qeyb galay Hawlgalkaasi iyo fal-celintii ay Xarakadda Al-Shabaab ku dileen Sarkaalkii Sirdoonka Faransiiska ee ay Maxbuus ahaanta u hayeen.

Bishii koowaad 11-keedii ee sannadkii 2013-kii waxay ahayd maalin uu Madaxweynihii hore ee Faransiiska qaatay Go’aan  Weyn, oo ay Ciiddamadiisa hawlgalo u tageen Koonfurta Somalia, sida u uku qoray Buuggiisa, wuxuuna ka qoomameeyey Taladii Saraakiishiisu ku sheegeen inay Hawlgal Habeenimo ah ku soo furan doonaan La-haystaha Faransiiska.

François Hollande waxa uu Buuggiisa ku qoray inuu Kulan Degdeg ah la yeeshay  Taliyayaasha Guutooyinka Ciiddanka Faransiiska, isla markaana uu Taliyaha Sirdoonka isaga u sheegay inay hal Guuto oo Ciiddanka Faransiiska ahi diyaar u yihiin inay u ambabaxaan Hawlgalakaasi iyo inay awoodi karaan Hawlgalkaasi iyo inay isku gedaamaan guriga ay Al-Shabaab ku hayeen Sarkaalkii Sirdoonka ahaa.

Madaxweynihii hore ee Faransiiska, François Hollande oo isaga bixiyey amarka Hawlgalkaasi waxa uu Buuggiisa Cusub ku qoray inuu ugu dambeyntii Hawlgalkaasi horseeday dilka 2 Askar Faransiis ah, tiro dad rayid Soomaali ah. Dagaalyahano Al-Shabaab ah iyo Sarkaalkii Sirdoonka Faransiiska ee Denis Alex  oo ay Al-Shabaab gacanta ku hayeen tan iyo sannadkii 2009-kii.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Faraniiska waxa uu Buuggiisa uu ugu magac daray “Casharada Awoodaha” waxa uu sheegay inaanu waxba ka sheegin Hawlgalkaasi ilaa uu ugu dambeyntii Taliyihii Ciiddanka Faransiiska, General Bugo ka soo Waco Mobaylkiisa Khaaska ah, una sheeggo inuu Fashilmay Hawlgalkii lagu soo badbaadin lahaa Denis Alex.

“Waxaan rajeynayey inay calooshayda buuxin doonaan Wararka ka imanaya Somalia, waxa ugu horreeyey ee maankayga ku soo dhacay waxay ahayd La-hayste Denis Alex” ayuu Madaxweynihii hore ee Faransiiska ku yidhi Buuggiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Hawlgalkii Dagaal ee ay Komaandooska Faransiiska kula galeen Al-Shabaab Degmaddaas oo socday muddo 4 saacadood ah oo xidhiidh ah, ayaa aakhirkii waxay Askartii Faransiisku dib ula laabteen Guul-darridii ugu xumayd, iyagoo iska caabin adag kala kulmay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugnaa Degmadda Buulo-Madheedh.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.