WorldRemitAds

Marka aad aragto cinwaanka magaalada toddobaatan milyan oo qof u dalxiis tageen waxa aad is weydiinaysaa, maxay tahay magaaladaasi? Waa maxay ujeedada loogu safrayaa? Ka hor inta aynaan su’aalahaas jawaabtooda bixin, waxa haboon in aynu horta ogaano magaaladaasi ta ay tahay iyo wadanka ay ku taalo.

Magaalada Ugu Horeysa Dalxiiska AdduunkaMagaaladu waa magaalada New York ee dalka Maraykanka, waxa sanadkii 2017-ka oo kaliya dalxiis ku tagay, toddobaatan milyan oo qof, sida uu sheegtay Maayerka Magaaladaas oo lagu magacaabo, Michael Bloomberg, oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in dalxiisayaasha magaaladiisa soo booqday sanadkan ay gaadheen heerkii ugu sareeyay ee abid ay tiradoodu gaadho, taas oo dhan kontan milyan oo qof, waxaanay sida uu sheegay tiradani ka badan tahay kuwii sanadihii hore dhawr milyan oo qof.

SomlegalAds

Magaalada Ugu Horeysa Dalxiiska AdduunkaHaddaba waxa dad badani is waydiinayaan sababta dalxiisku aad kor ugu kordhay, iyadoo dunida dhaqaale xumo iyo busaarado ka dhaceen, magaaladan oo dadka ku dhaqani ugu yeedhaan, tufaaxa wayn aadna u jecel yihiin waxa la sheegay in toban milyan iyo badh ajnabi ahii booqdeen magaaladaas oo ay u dalxiis tageen, halka afartan milyan oo dadka reer Maraykan ahi ka booqdeen.

Dadka ku dhaqan magaaladaas oo ka helay tobanaan milyan oo lacag faa’iido ah, ayaa had iyo jeer sameeya wax yaabo dadka dalxiisayaasha ah soo jiita, waxaanay ku dedaalaan sidii qof kasta oo dalxiise ah loo raali gelin lahaa, sababtoo ah waxa ay magaaladaasi ka faa’iidaa in ka badan shan boqol oo bilyan oo dollar, halka in ka badan konton kun oo qofna ay shaqo ka helaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.