WorldRemitAds

Inta badan dadka carabta ayaa marka la gaadho bisha barakaysan ee Ramadan dhaqan u leh, isticmaalka Faanuuska Ramadanta kaas oo ah mid si dabiici ah gacanta loogu sameeyo, waxaanu waddamada carabta intooda badan ka yahay astaan ka mid ah astaamaha bisha barakaysan ee Ramadan.

In kasta oo koronto habeen iyo maalinba shaqaysa inta badan laga isticmaalo dunida carabta, haddana Faanuuska Ramadantu waa mid lagama maar maan ka ah dhaqanka dadka carabta.

In kasta oo sanadihii ugu danbeeyay warshadaha waddamada bariga qaarada Eeshiya sida Shiinaha, Hindiya, Indonesia iyo meelo badan oo dunida ah laga soo waariday oo ay qabsadeen suuqyada kala duwan ee carabta, ayaa wacyi gelin badan oo laga sameeyay iyo maal gelin loo fidiyay dadka farsamo yaqaanada Masar, keentay in sanadkan kaliya la iib geliyo faanuusyadooda.

SomlegalAds

Sida warbixino kala duwan oo laga diyaariyay dhaqaalaha liic liicaya ee dalka Masar lagu sheegay, waxa aad u xoogaystay iibka Faanuusyada Ramadanta ee dalka Masar, kuwaas oo sida wararku sheegayaan iibkoodu gaadhay halkii ugu saraysay abid.

Waxa aad loogu waariday waddamada Khaliijka carabta, Ciraaq iyo kuwa waqooyiga qaarada Afrika ee Makhrib loogu yeedho, kuwaas oo suuqyadooda si wayn looga dareemayo, aadna iibsigoodu u kordhay.

Sida wararka ku saabsan faanuuska tumaalada Masar sameeyaan ee dhiiri gelinta badan loo sameeyay, waxa dibada dalka Masar sanadkan loo dhoofiyay ilaa sadex milyan oo faanuus taas oo boqol jeer ka badan tiradii ay hore u dhoofin jirtay.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.