WorldRemitAds

“Inta Siciid Atam Raacday Waa Ciidan Gaadhsiisan Ilaa 100 Nin oo aan ku qanacsanayn iyaga qudhoodu ku biriista Al Shabaab,…Laakiin” Daahir Maxamed Cali, Taliyaha labaad Ciidamada ka dagaalama deegaanka Galgala

Galgala, Somaliland, March 01, 2012, (Saxafi) – Ciidamada uu hogaamin-jiray wadaadka Lagu magacaabo Maxamed Siciid Atam oo Buuraleyda Gal-gala kulla dagaalama maamulka Puntland ee Somalia ayaa ku kalla jabay go’aan hogaamiyaha kooxdaasi kula midoobay Al-Shabaab. Waxaana taasi keentay in Ciidan uu hogaaminayo Atam u digo-rogtaan Koonfurta Soomaaliya.

Tan iyo intii uu soo baxay midawga dhex-maray Kooxda Atam iyo Al-Shabaab waxaa bar-bar socday warar la isla dhex-marayay oo sheegayay in midowgaasi ku kooban-yahay Sheekh Atam iyo koox-yar oo aad ugu dhow, waxaana jiray dhawaaqyo ka soo yeedhay waxgaradka deegaanka bariga gobolka Sanaag oo beeniyay arrintaasi, balse waxaa markii ugu horeysay arrintan ka hadlay Daahir Maxamed Cali oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamadda Atam Hogaamisa, waxana uu gabi ahaanba beeniyay inay la midoobeen Al-Shabaab, isaga oo ku dooday in garab-yar oo ka mid ah ciidamadoodii deegaanka ee dagaalka kulla jiray Puntland uu kooxdaas u galay.

Ninkan oo shalay u waramay shabakadda Somalia Report ayaa waxaa uu ugu horeyn isaga oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay magaciisa iyo xilka uu ka hayay kooxdan ku jawaabay. “Magacaygu waa Daahir Maxamed Cali, waxaanan ahay taliye Ku-Xigeenka Ciidamada ka dagaalama deegaanka Galgala ee uu hogaamin-jiray Sh.Atom”

SomlegalAds

Daahir waxaa la sii weydiiyay waxaa ka jira midowga ay la ku galeen kooxda Al-Shabaab, waxaana uu yidhi. “Horta runtii midowgaas la sheegay, waa war dacaayad ah. ciidamada Galgala lama leh wax xidhiidh ah ururka Al Shabab ama urur la mid ah toona. Laakiinse, way jiraan koox yar oo anaga naga go’day oo ku biirtay Al-Shabaab.  Kooxdaasi yarina waxay talaabadaas qaadeen, ka dib markii aanu isku fahmi waynay ku biirista ururka Al Shabab ama urur kale oo la mid oo ku sugan wadanka gudihiisa ee aanu diidnay ayay kooxdaasi yari heshiis la gashay. Ninka la yidhaa Yassiin Kilwe, waxa uu afhayeen u yahay kooxdan kooban ee naga falaagoobay. Laakiinse, ciidamada Galgala uma aha Afhayeen. Waqtigana, ciidamada Galgala waxay heegan ugu jiraan siddii ay u difaaci lahaayeen dhulkooda.” Ayuu yidhi ninkaasi,waxaana uu intaas ku daray oo haddalkiisa uu raaciyay, “Ma nihin Al Shabaab anagu xidhiidh fiicanina nagama dhexeeyo. Sababtoo ah anagu waxaanu nahay ciidan hubaysan oo la  dagalamya maamul goboleedka Puntland oo donaya in Burahayaga macdanta ku jirta ay danahooda uga faa’iidaystaan. Puntland waan ka diidnay inay macdan ka badho iyagaana warbaahinta u sheegay in aanu nahay urur argagixiso ah, iyagoo na dacaayaddaynaya.”

Ninkan waxaa la weydiiyay, tiradda dagaalyahanadda ka go’ay ciidamadoodii eek u biiray Al-Shabaab, waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Waa ciidan gaadhsiisan 100 nin oo aan ku qanacsanayn iyaga qudhoodu, ku biriista ururka Al Shabaab, intii kale way joogaan iyo dadweynihii kale ee gobolka oo tageero buuxa na siiyaaba.

Ma doonayo inaan sheego tiradda ciidankayaga ay kooxdaasi ka goosatay yahay asbaab la xidhiidha amaanka iyo sirta ciidanka darteed, laakiin, waxaan hore kugu sheegay oo aan imikana ku sheegayaa in aanu ka badanahay in badan tirade yar ee naga go’day.”

Ninkan waxaa la sii weydiiyay, halka uu Immika joogo Hogaamiyahooddii Atam, waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Galgala wuu ka tagay iyo gebi ahaan gobolka oo dhanba. Balse, khilaafkii aanu isku maandhaafnay ku biriista ururka Al Shabaab darteed, xidhiidhkaygu ma wanaagsana haatan. waxaase la’ii   sheegay in uu tagay dhinaca iyo koonfurta Soomaaliya,  khaasatan magaalada Kismaayo.”

Sarkaalkan waxaa la sii weydiiyay, qofshohooda mustaqbalka mar haddii garab ka mid ah ciidankooda iyo madaxdiisii ka go’day. Waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Shacabka gobolkan ayaa og xaqiiqada ka jirta halkan, diidmada aanu diidnay ku biirista ururka Shabaab ama mid la mid ah oo ka jiraSomaliameesha ay doonto ha ahaateena waa ka marag dadweynuhu. Odayaasha deeganka ayaa nala soo xidhiidhay, waxaanan uu xaqijinay in aanaan Al shabaab ahayn oo aanu nahay urur difaaca deegaankooda iyo gobolka.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.