WorldRemitAds

Kooxaha caafimaadka ee dalka Koonfur Afrika ayaa warbaahinta u cadeeyay, in caafimaadka madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana laga saaray cusbitaalkii laba cisho ka hor la dhigay ka dib markii lagaga soo booday caloosha.

Hogaamiyihii hore ee ururkii ANC (African National Congress) Nelson Mandela oo da’diisu tahay 93-jir ayaa caafimaadkiisu aad hoos ugu dhacayay tan iyo sanadkii 2009-kii, oo uu dabaal degay sagaashan guuradiisa, waxaana ku soo kacay xanuuno badan oo intii uu halganka ku jiray ku dhacay, isla markaana aan si fiican looga dawayn.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhakhaatiirta caafimaadku ay u xaqiijiyeen, bad qabka iyo sida caafimaadka odaygaasi isu soo tarayo, wax warwer ahna aan laga qabin xaaladiisa caafimaad.

SomlegalAds

Madaxweynaha koonfur Afrika waxa uu intaa ku daray in Mandela cusbitaalka loola cararay ka dib markii caloosha laga qabtay, ka dibna sida uu sheegay ay dhakhaatiirtu kamarado iyo aalado tignoolaji oo aad u sareeya u isticmaaleen, ka dibna ay ku guulaysteen in ay ka war keenaan halkii lagaga soo booday oo ay dawayn iyo taataabasho fudud ku sameeyeen, imikana loo qaaday gurigiisa isagoo aad u wanaagsan.

Hogaamiyaha afrika iyo meelo badan oo dunida ah aadka looga jecel yahay ee Nelson Mandela waxa markii ugu danbaysay ee fagaare lagu arkaa ahayd, sanadkii 2010-kii dalkiisu marti galiyay koobka aduunka, wakhtigaas oo isaga oo aad u taag daran la keenay garoonkii furitaanka tartanka koobka aduunku ka dhacayay ee magaalada Johns Berg hasa yeeshee wixii intaa ka danbeeyay waxa tiraba dhawr jeer la dhigay cusbitaalka, isaga oo xanuuno ku soo booday lagaga daweeyay.

Mandela ayaa abaal marinta Nobel-ka lagu siiyay geesinimada iyo sida uu nabadaynta dalkiisa uga qayb qaatay, waxaanu dagaalka iyo halganka dalkiisa u galay xabsiga oo uu ka soo laacay todoba iyo labaatan sanadood, hasa yeeshee markii uu xukunka u tartamay ee uu aqlabiyada wayn ku guulaystay ayuu soo saaray saamaxaad guud oo qaran, taas oo soo afjartay ama meesha ka saartay in la kala aargoosto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.