WorldRemitAds

Kumanaan ka mid ah dhakhaatiirta dalka Maraykanka ayaa dalbaday in xilka degdeg looga qaado madaxweynaha dalkaas Donald Trump oo bishii lixaad ee muddo xileedkiisa ku jira, muddo sadex sano iyo dheeraad ahina ay uga hadhsan tahay wakhtigii shacabka dalka Maraykanku doorteen.
Lixdankan kun ee dhakhtar oo u badan kuwa cilmi nafsiga (Psychologists), ayaa ku doodaya in Madaxweynuhu aanu awood u lahayn, gudashada hawl maalmeedkiisa qaran ee loo doortay, waxaanay ku sababeeyeen inuu qabo xanuun dhinaca dhimirka ah oo awoodiisa qofeed kala dhantaalaya.
Guddoomiyaha Dhakhaatiirtan kumanaanka ah ee dalbanaya in la casilo madaxweyne Donald Trump, oo lagu magacaabo Dr. John Gartner ayaa sheegay inay ilaa lixdan kun oo dhakhtar ay ka soo saxeexeen codsigan xil ka qaadista Donald Trump, waxaanu balan ku qaaday in tiraddaasi sii kordhi doonto oo ilaa boqol kun ay gaadhsiin doonaan.

60-Kun Oo Dhakhaatiirta Dhimirka (Psychologists) Ah Oo Dalbaday In La Casilo Donald Trump

Dhakhaatiirtan ayaa u baahan inay 75-kun oo qof ka helaan saxeex ka dibna waxa suura gal u ah inay hor dhigaan, labada gole barlamaan ee dalka Maraykanka oo fadhiyadoodu furmi doonaan 14-ka bisha October ee inagu soo foolka leh, waxaanu haddii shan iyo todobaatanka kun u saxeexaan u suura geli doona in mooshin ahaan codsigooda loogu hor gayn karo Koongarayska iyo Senatka.
In kastoo ay adag tahay in koox ama ururo is urursaday ay sharci ahaan masuuliyiinta Maraykanka ku eedeeyaan arin aanay macluumaad buuxa ka hayn, horana ay ugu guul daraysteen dad badan oo isku dayay, ayay haddana dhakhaatiirtani ku doodayaan inay macluumaad run ah oo la xidhiidha caafimaadkiisa ay hayaan.
Taas oo sida ay wakaaladaha wararku sheegeen suura gal ka dhigi karta in xujadooda la qaadan karo, sababtoo ah? Waa mid ku salaysan xaqiiqo sugan oo cilmiyan ah, kana soo baxday cid aqoon buuxda u leh oo ah dadkii looga qaateenka ahaa.
Haddii ay ku guulaystaan saxeexa 75-kun ee dhakhtar waxa suura gal u noqon karta in la hor geeyo golayaasha sharci dejinta dalkaas, doodna laga yeelan karo oo ay noqon karto in la furo, waxaanay dhakhaatiirtani u baahan yihiin inay eedayntooda cilmi ahaan ugu soo bandhigaan golayaasha barlamaanka si ay u noqon karto mid sharci ahaan isku dheeli tiran oo dhegaysigeeda iyo ka doodisteedu qawaaniinta u waafaqi karto.
Dhakhaatiirtan ayaa ku doodaya in xanuun dhimirka ahi uu hayo madaxweynaha Donald Trump sidaa awgeed aanu gudan Karin hawl maalmeedkiisa qaran ee loo doortay, shaqadii loo igmadayna aanu qaban Karin oo dayac badani ku iman doono masuuliyada dawliga ah ee uu madaxweynuhu qaabilsan yahay.
Sababo sharci awgeed dhakhaatiirtani may sheegin magaca xanuunka haya madaxweynaha ee ay ku doodayaan in xilka looga qaado, waxaanay cadeeyeen inay sharaxaad buuxda ay ka siin doonaan cida ay khusayso, kaas oo sida ay ku doodayaan ah mid ay waajib tahay in shacabka loo bandhigo oo aan laga qarin.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.