WorldRemitAds

In ka badan todobaatan gaadhi oo is duqeeyay iyo tobanaan qof oo ku dhaawacmay, sida booliska gobolka Massachusetts, uu baahiyay maalintii isniintii waxa mar kaliya isku dhacay todobaatan gaadhi, waxaana cusbitaalada loola cararay in ka badan shan iyo sodon qof ugu yaraan, kuwaas oo dhaawacyo kala duwani ka soo gaadhay shilkaas layaabka leh.

Shilkan ayaa ka dhacay mid ka mid ah jidadka Highway-ga ah ee gobolkaas, kaas oo xawaare aad u dheereeya ama sareeya lagu maro, waxa sida uu warbaahinta u sheegay Sergeant Stephen Marsh uu shilkaasi dhacay subaxnimadii hore kaas oo masaafo dhan shan boqol oo meters ku baahay.

Sergeant Stephen Marsh ayaa sheegay in wadayaal badani isku dayeen in ay gawaadhidooda biriiga qabtaan, markii xaaladu faraha ka baxday laakiin ay ku guul daraysteen oo qaban kari waayeen sababtoo ah xawaaraha (Speed)ka ay ku socdeen oo aad u sareeyay awgii.

SomlegalAds

Labo ka mid ah dadka dhaawacmay oo ah dirawalo ayaa la sheegay in xaaladoodu aad u xun tahay oo meel adag marayso, waxa sida la xaqiijiyay dhaawac badankoodu u badan yihiin dad gaadiidkoodu xawaaraha sareeya awgeed istaagi kari waayeen madaxa ku dhuftay muraayadaha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.