WorldRemitAds
Warbaahinta Maraykanka ayaa si toos ah u baahisay, Haweenay Muslim Ah Oo iyadoo xijaaban lagu dhaarinayo kitaabka Quraanka Kariimka, taas oo sida warbaahintu sheegtay noqonaysa muslimadii ugu horaysay ee garsoorayaasha Maxkamada sare ee dalka Maraykanka ka mid noqota.

6560headerCarolyn Walker, ayaa lagu dhaariyay xarunta maxkamada sare ee Brooklyn oo ka mid ah gobolka New York, waxanay noqotay gabadhani haweenaydii ugu horaysay ee iyadoo xijaaban garsoore loo dhaariyo, laguna dhaariyo kitaabka Quraanka Kariimka.
Carolyn Walker waxa ay muddo dheer ka mid ahayd, garyaqaanada ugu firfircoon New York, waxaanay inta badan difaacda dacwadaha Muslimiinta iyo dadka danyarta ah ee New York ku dhaqan, kuwaas oo ay mutadawacnimo ugu shaqayso, marar kala duwana ay abaal marino ku hesho.
Haweenay Muslim ahIn kasta oo ay ka mid tahay dadka ugu dedaalka badan garsoorka Maraykanka, haddana umay suura gelin inay ka mid noqoto garsoorayaasha Maxkamada sare, taas oo ay muddo dheer u soo samirtay, ilaa ay ugu danbaytii ku guulaysatay in iyadoo xijaaban oo sidii diinteedu fartay u asturan, loo magacaabo, laguna dhaariyo kitaabka Quraanka Kariimk.
Qaar kamid ah warbaahinta dalka Maraykanka ayaa sheegay in magacaabista Carolyn Walker ay soo dedajisay, khudbadii Nacaybka iyo cunsuriyada ahaa ee uu musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, dhawaan ku weeraray muslimiinta, taas oo si wayn looga cadhooday gudaha dalka Maraykanka.
Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ee doorashada madaxtooyada 2016-ka u sharaxan Donald Trump ayaa muslimiinta si ba’an ugu weeraray khudbad uu dhawaan markii weeararadii argagixiso ka dhaceen Paris uu jeediyay, taas oo uu ku dalbaday inaan muslimiinta qaxootiga ah aan loo ogolaan inay soo galaan dalka Maraykanka, kuwa joogana cadaadis wayn la saaro.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.