WorldRemitAds

Djibouti, November 23, 2015 (Saxafi) — Deborah Lee James oo ah xoghayaha ciidamada cirka dalka Mareykanka oo la kulantay saraakiisha Mareykanka ee ku sugan saldhiga Lemonnier ee dalka Jabuuti iyo saraakiisha militeryga dalkaas ayaa sheegtay in la kordhinayo duqeymaha uu Mareykanku ka geysanayo Somalia.

Xoghayaha oo intaas kaddib booqatay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Jabuuti ayaa waxay ka dalbatay dawladda Jabuuti in ciidankeeda ay gacan weyn ka gaystaan hawl-galka AMISOM ee Somalai oo lagu xasilnayo dalkaas.

Sidoo kale, Debore James ayaa ka hadashay gacanta ay ciidanka Mareykanku ka geystaan la-dagaallanka Al-shabaab ee Koonfurta Soomaaliya, iyadoo ku boorrisay ciidamada inay kordhiyaan weerarada cirka ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku [Drones] ay u geysanayaan xarumaha Al-shabaab ay ku leedahay Somalia.

SomlegalAds

Deborah_Lee_James_Mareykanka_660Saldhigga Lemonnier waa midka ugu weyn ee hawl-gallada Mareykanka ee Bariga Afrika, wuxuuna ka mid yahay 10-saldhig ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Gobolka oo dhan; iyadoo lagu tababaro ciidamada Soomaaliya iyo kuwa dalka Jabuuti.

Dhanka kale, Saraakiisha howlgalka AMISOM iyo kuwa dalka Mareykanka ayaa kulan ay yeesheen isku dhaafsaday wabixinno sir ah ee la xidhiidha howl-gallada ka socda Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegeen inay guulo waa-weyn ka gaareen.

Saraakiisha Mareykanka iyo kuwa Jabuuti ayaa soo hadal qaaday Qaxootiga ka soo cararay Colaadaha ka socda Waddankooda Yemen, kuwaasoo qaarkood ku sugan yihiin Jabuuti oo ay magan-galyo ku heleen.

Ugu dambeyn, danjiraha dalka Mareykanka ee Jabuuti, Tom Kelly ayaa sheegay inay illaa 400 oo muwaadiniin Mareykan ah inay ku sugan yihiin waddanka dalka Jabuuti, kuwaasoo ay safaaradda Mareykanka kasoo qaadday dalka Yemen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.