WorldRemitAds
Daraasad ay wada jir u sameeyeen, baanka Aduunka iyo shirkada Korontada dalka Maraykanka, ayaa lagu cadeeyay, qiyaasta xad dhaafka ah ee korontada dalkaas laga isticmaalo sanadka oo dhan, taas oo marka la isku cel celiyo, noqonaya qiyaas aan la rumaysan karin.

Hasa yeeshee baadhitaankan loogu kuur gelayay xadiga koronto ee laga isticmaalo dalka Maraykanka, ayaa sida ugu fudud ee lagu fahmi karaa, noqonaya qiyaasta ciida kirismaska oo kaliya dalkaas laga isticmaalo, taas oo u dhiganta ama kaba badan inta waddamo tiro badan oo sabool ah sanadka oo dhan laga shito, tusaale ahaan sida waddamada Ethiopia, El Salvador iyo Tanzania.
Laydhka Kirismaska laga shito MaraykankaQiyaas ahaan korontada munaasibada ciida ugu wayn Maraykanka ee Kiristaanka (Christmas)-ka laga isticmaalo, ayaa guud ahaan korontada sanadkii dalkaas laga isticmaalo ka noqonaysa boqolkiiba labo kaliya, haddana waxay ka badan tahay guud ahaan korontada sanadka oo dhan laga shito sadexdan waddan ee dalalka saboolka dunida ka midka ah.
Sida warbixintan ama daraasadan lagu sameeyay korontada laga isticmaalo dalka Maraykanka, tilmaamayso, waxa maalmaha kirismaska dalka Maraykanka laga isticmaala koronto aad u badan, taas oo inteeda badan ah, mid dhal dhalaal iyo qurxin ah, sida geedka guluubada badan ee dhal dhalaala lagu shido iyo laydhadh tiro badan oo guryaha lagu ileeyo.
Laakiin dhawr iyo afartanka saacadood ee lagu jiro xuskaas, waxa la isticmaala xadi koronto oo dhan 6.63 billion kilowatt, sida daraasadani sheegtay, waxaanay kaliya korontadaasi tahay mid dhal dhalaalka oo kaliya loo isticmaalo. Laakiin waa mid ka badan qiyaasta koronto ee sanadka oo dhan laga isticmaalo dalalka Ethiopia, El Salvador iyo Tanzania.
Warbixintan ayaa is bar bar dhig ay ku samaysay, korontada Kirismaska Maraykanku isticaamo oo dhan 6.63 billion kilowatt, halka sadaxdaa dal mid walba sanadkii isticmaalo, oo dalka El Salvador ugu badan yahay ayaa ah sidan.
El Salvador sanadka oo dhan 5.35 billion kilowatt, Ethiopia celcelis ahaan sanadkii oo dhan waxa laga shitaa koronto qiyaas ahaan dhan 5.30 billion, dalka Tanzania ayaa isna isticmaala sanadka oo dhan 4.81 billion oo kilowatt.
Hasa yeeshee waxa sadex dal mid walba inta uu sanadka oo dhan korontada ka isticmaalo ka badan, inta ciida Kirismaska oo kaliya laga shito dalka Maraykanka ee mid walba qiyaas sanad iyo dhawr bilood u dhiganta ka badan.
Todd Moss iyo Priscilla Agyapong, oo ahaa labadii masuul ee hogaaminayay kooxihii daraasadan sameeyay, ayaa sheegay in qiyaasta maalmihii ciida kiristmaska laga isticmaalay dalka Maraykanka gaar ahaan sanadkii 2008-dii u dhigmayso koronto qiyaas ahaan ku filaan karaysa 14 million oo Talaagadood (refrigerators), sida warbixintan ay wakaalada wararka Faransiiska ee (AFP), warisay ku warantay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.