WorldRemitAds

Boosaaso, Somalia, June, 05, 2018 (Saxafi) – 27 dagaalyahan oo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa ku dhintey duqeyn ay diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen deegaan 26 mile u jira magaalada Boosaaso ee gobolka Bari maamul goboleedka Puntland, sida laga soo xigtay saldhigga Maraykanka Afrika ee Africom.

War-saxaafadeed u baahiyay saldhigga Maraykanka ee Africa ayaa lugu xaqiijiyay labadii June inay duqeynta dhacdey, Islamarkaana ay weerarkan dawladda Somalia wax ka ogeyd, waxaa kale oo warsaxaafadeedka lugu caddeeyay in weerarka aanu wax khasaare ah ka soo gaadhin dad shacab ah.

SomlegalAds

Africom waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Maraykanka, loona baabi’iyo argagixsada. “Tani waxaa qeyb ka ah in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM lagula midoobo howlgallada ka hortagga argagixisada, lana beegsado goobaha ay ku tababartaan ee Somalia iyo gobolkaba.” ayaa lugu yidhi qoraal u baahiyay saldhigga Maraykanka ee Africa US Africa Command (Africom).

Duqeynta ayaa ku soo beegantay saacado yar uun kaddib markii dagaallamayaal ka tirsan al-Shabaab ay weerarreen ciidammada shirkadda Blackwater maamusho ee ka ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Somalia.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.