WorldRemitAds

Washington, USA, July 07, 2018, (Saxafi) – Dawladda Maraykanka ayaa ka walaacsan in shirkadda DP World ee Imaaraadku waydo saamiga ay ku lahayd dekedda Doraleh ee dalka Djibouti.
Cabsida Maraykanka ayaa ah in booska ay buuxiso dawladda Shiinaha oo loolan adag galinaysa danaha Maraykanka ee dalka Djibouti oo u ah madal istaraatijiya kana fushado danihiisa biyaha iyo barriga Afrika.
Xildhibaan Bradley Byrne oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka siiba guddida u qaabilsan dhanka difaaca ayaa warqad uu u diray xoghayaha gaashandhiga Maraykanka Jim Matts waxa uu ku sheegay in Maraykanku luminayo saamayntiisa dalka Djibouti oo u ah madal muhiimad istaraatijiyadeed u leh. “Warbixinta ah in dawladda Jabuuti qorshaynayso in aqlabiyad ka siiso dekedda dawladda Shiinaha waxay si taban u saamaynaysa awoodda Militariga Maraykanka iyo saraakiisha sirdoonka si ay u fuliyaan hawlgallada argagixiso la dirirka ah,” Sidaas ayuu yidhi Senator Bradley.
Waxa uu intaasi raaciyay “Waxaan ka walaacsanahay hantideena Militari, sirdoon iyo awooddaha ay ku fulin doonan hawlgalladooda goobtan istiraatijiga ah maaddaama ay soo kordhayso halista Shiinuhu ku hayo ee ka imanaysa saamaynta kobcaysa ee Shiinuhu ku leeyahay xukumadda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.”
Waddanka Djibouti ka sawkow quwada badan oo Saldhigyo Militari ku leh waa dalkii u horeeyay ee kulmiya Saldhigyo Militari oo Maraykanka iyo Shiinuhu leeyihiin waxaana durba dhexmaray kala shaki kadib markii diyaarado Maraykanku leeyahay shilal galeen qaarna sheegeen in shucaac xoog badan indhaha lagaga qabtay.
Dawladda Djibouti ayaa si xoog ah kula wareegtay saamiga 33% ah ee DP World ku lahayd dekedda Doraleh waxaanay u muuqata in doorkaas uu Shiinuhu buuxiyay.
Shalay ayaa suuq weyn oo canshuuraha ka caaggan laga furay Djibouti kaas oo ah kan Afrika ugu weyn oo lagu farsamayn doono laabaha Afrika u baahan tahay waxaana maalgalinaya Shiinaha. Madaxa aaggaga suuqa xorta ah ee cashuuraha ka caaggan Abuukar Cumar Xaddi oo saaka BBC-da u warramay waxa la waydiiyay sababta Jabuuti u kala dooratay Shiinaha iyo Imaaraatka Carabta waxaanu ku dooday in danaha Jabuuti iyo Shiinuhu yihiin kuwo isku dheeli tiran isaga oo DP World ku duraya mid dhan ka rarnayd.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.