WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, June 23, 2015 (Saxafi) – Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo qayb ka ah Weftiga Balaadhan ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ee ku Sugan Caasimada Itoobiya ee Addis ababa ayaa kulan la qaadatay Marwada Raysal Wasaaraha Itoobiya Roman Tasfaaye.

Labada Marwo ee Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa Kulankoodaa kaga wada hadlay Xidhiidhka iyo danaha ka dhexeeya haween weynaha labada dal iyo Sidii ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta arrimaha haweenka.

SomlegalAds

Kulankaasi oo marwadda koowaad ee Itoobiya ay ku qaabishay dhigeeda Somaliland ee Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Marwada Madaxweynaha Somaliland, waxa lagu falan qeeyay sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen masaalixda iyo wax wada qabsiga haweenka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.