WorldRemitAds

Masaajidka Xaramka barakaysan ee Maka Al Mukarama ayaa habeenkii 27ka Ramadan ay ku citikaafeen, hal milayn oo muslimiin ah oo ay ka mid ahaayeen Madax tiro badan oo ka kala socda dunida, waxaana ka mid ah madaxweynayasha xaramka ku tukaday, taraawiixda iyo salaatu laylka, madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Pakistan, Cumar Xasan Al Bashiir iyo Mamnun Xasan.

Madaxweynaha Sudan oo safarkiisa Sucuudiga iyo dhulka barakaysan uu ku tagay, u noqonayo kii koowaad ee tan iyo intii lagu xidhay Koonfur Afrika uu dalkiisa kaga baxo, waxa isaga iyo madax tiro badan oo dunida ka socda si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Jeddaha oo ay uga sii gudbayeen xaramka.

Masaajidka Xaramka ee Maka ayaa si wayn looga shaqeeyay aadna loo balaadhiyay, waxaana ka socda tobanaan mashruuc oo boqorka cusub ee Sucuudigu amray in laga hir geliyo, kuwaas oo sida la sheegay noqonaya kuwii ugu waaweynaa ee muddo rubuc qarni ah lagu balaadhinayo, adeegyo badana loogu samaynayo Martida Alle ee waajibaadka diiniga ah ku gudanaya xaramka.

SomlegalAds

Salaadii Tahajjudka ee Masaajidka Xaramka Maka – Habeenkii 27-ka Ramadan

Lixdii Rakcadood ee Hore waxa tujiyay Sheekh Sacuud ash Shuraim

 

Afartii Rakcadood ee dambe waxa tujiyey Sheekh ‘Cabdul Raxmaan as Sudais

Rakcadii Witirka waxa tujiyey Sheekh Cabdul Raxmaan as Sudais iyo Ducadiiba

Maka Oo 27-ka Ramadan Marti Gelisay Hal Milyan Oo Muslimiin Ah Oo Madaxweynayaasha Sudan, Pakistan Iyo Dalal Badani Ku Jiraan

Masaajidka Xaramka barakaysan ee Maka Al Mukarama ayaa habeenkii 27ka Ramadan ay ku citikaafeen, hal milayn oo muslimiin ah oo ay ka mid ahaayeen Madax tiro badan oo ka kala socda dunida, waxaana ka mid ah madaxweynayasha xaramka ku tukaday, taraawiixda iyo salaatu laylka, madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Pakistan, Cumar Xasan Al Bashiir iyo Mamnun Xasan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.