WorldRemitAds
Hargeysa,Somaliland, December 7,2015 (Saxafi) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Cabdillaahi Ibraahin Habbane, ayaa naqdiyay hadal ka soo yeedhay Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya, sidoo kallena wax lala yaabo ku tilmaamay fariin uu hawada mariyay Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ahayd in deeqaha waxbarasho si toos ah ay ugu soo gudbiyaan wasaaradda waxbarashada Somaliland.

Wasiirka Waxbarashadu waxa uu naqdiyey oo kale safiirka Somaliland u fadhiya Addis ababa oo ka hadlay deeqo waxbarasho oo uu sheegay in si wanaagsan loo qaybiyey, waxaanu wasiirku tilmaamay inay khalad tahay in safiirku ka hadlo arrimo aan khuseyn.
Wasiirka waxbarashada ayaa ku taliyay in cid walba shaqadeeda ku eekaato, wuxuuna ku dooday in deeqdii waxbarasho ee sanadkan markii ay ardayda ku fillaan wayday la hakiyay ama la joojiyay gabi ahaan sanadkan.
WaxbarashaddaWasiir Cabdilaahi Dheere oo ka hadlayey hadalkii ka soo yeedhay Safiirka Somaliland ee Itoobiya fadhiya waxa uu yidhi “Safiirkeena jooga Addis Ababa ayaa ka hadlayay oo lahaa caddaalad baanu u qaybinay, dugsiyada hadlayaa qabyaalad bay ku hadlayaan, goorma ayuu isagu wasiirkii waxbarashada noqday? Goormuu isagu imtixaannada qaaday oo og yahay ka sarreeyay iyo ka hooseeyay? Arrimahaasi gef weeye. Haddaan ka waramo wasaaradda arrimaha dibada ama xaalka ninka Addis Ababa inoo fadhiya saw khalad maaha? Wuu na waydiin karaa wuxuu odhan karaa.. wixii la ina siiyay siduu inaga noqday ama war iga soo siiya wuu ina odhan karaa, waayo wuu ina metelayaa oo magaceena ayuu ku fadhiyaa laakiin, caddaalad bay ahayd, anaga qaybinay, kuwa hadlayaa qabyaalad bay ku hadlayaan, goormuu isagu dadka Imtixaanaad ka qaaday, goorma ayuu natiijadooda soo saaray? Waar nin walba dariiqiisa inuu garto weeye,” ayuu yidhi Wasiirka waxbarashada Somaliland.
Sidoo kale, Wasiirka waxbarashadda Cabdilaahi Dheere waxa uu sheegay in Maxamed Cumar Carte isku qaldayo Soomaaliya iyo Somalilnad, isla markaana kuwo uu deeqaha siiyey ay tahay Soomaaliya balse aanay ahayn Somaliland, isagoo tilmaamay in wixii deeqo waxbarasho ah loo soo marin Karin Soomaaliya balse toos iyada loo siin karo.
Wasiirka oo u jawaabayey Maxamed Cumar Carte waxa uu yidhi “ Deeqo waxbarasho ma helnaa? Magacii Somalia cid baa ku shaqaysanaysa. Kuwo inaga ahina inagayba ina sheegtaan oo ina Carte Qaalib ayaa lahaa deeqaha waxbarasho waanu u soo dirnaa, oo yuu u soo diraa dee? Ma reer Xamarka ayuu ka iibiyaa tolow? Isagase yaa u wakiishay inuu wax noo soo diro anaga,”
Waxa uu ku baaqay in wixii Somaliland caalamku ugu talo galay toos loogu soo gudbiyo “Waxeena waa in toos la inoo siiyo, iyagu waxooda siday doonaan ha u qaybsadaane, waxaan oo maamulo ahna waa isbalaadhin Somaliland ah uun, oo koonfur iyo waqooyi uun baynu ahayn markii la isku biiray, caalamkuna cid walba siday wax u qabsatay wax ha u siiyo oo ha inaga daayo faro galinta” ayuu yidhi.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.